Manchester City Oo Cagta-cagta U Saartay Arsenal Kaddib Guul Raaxo Leh Oo Ay Ka Gaadhay Nottingham Forest


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul raaxo leh kasoo gaadhay Nottingham Forest oo ay marti u ahayd oo ay kusoo garaacday 2-0, waxaanay hal dhibic kaliya usoo jirsatay Arsenal oo hoggaanka ku haysa guul ay waqti hore oo maanta ah ka gaadhay Tottenham.

Manchester City oo ay ciyaar baaqi u tahay, ayaa libinteeda ay go’aamiyeen laba gool oo ay labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyeen Josko Gvardiol iyo Erling Haaland oo isagu waqti dambe beddel kusoo galay.

Pep Guardiola oo ogaa natiijada ciyaartii Arsenal iyo Tottenham ayaa shax xooggan kusoo galay kulankan, si aanay dhibco u lumin, maadaama barbarro ama guul-darro ay galaan ay horyaalka si buuxda gacanta ugu gelinayso Gunners.

Bilowgii ciyaarta, waxa dardar badan samaysay kooxda garoonkeeda joogtay ee Nottingham Forest oo ka ordaysay inay gasho khadka cas oo ay hadda hal buundo ka sarrayso, waxaase ay ka faa’iidaysan waayeen fursadahooda.

Manchester City oo ku dheelaysay khibrad iyo waayo aragnimo ayaa waxa ay si deggenaan ah kubadda uga samaynaysay khadka dhexe, kaddibna garabka bidix midig ee uu joogay Bernardo Silva ayaa ay u tuurayeen halka dhinac bidixna uu kasoo gelayey Jack Grealish.

Daqiiqaddii 37aad ayay Manchester City furatay xisaabteeda goolasha, markaas oo kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Kevin De Bruyne uu madax ku qabtay difaaca reer Croatia ee Josko Gvardiol.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay kala dhaliyeen qaybta hore, balse markii lagu soo noqday ayuu Guardiola u baahday inuu u yeedho ciyaartoyda kaydka fadhiday oo uu kasoo xusay Erling Haaland.

Weeraryahanka reer Norway ayaa daqiiqaddii 71aad waxa uu xerada ganaaxa la galay kubbad uu usoo tuuray Kevin De Bruyne, waxaana uu awood kusii muquuniyey hal difaac ka hor intii aanu shabaqa ku hubsanin kubadda.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay yeelatay 79 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka dambaysaa Arsenal oo hoggaanka haysa, halka Liverpool ay isku dhiibtay kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 745 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*