Fede Valverde Oo Sharraxay Sababtii Uu U Diiday Inuu Tuurto Rikoodhaha Ciyaartii Manchester City


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Fede Valverde ayaa la weydiiyey sababtii uu uga baqay inuu tuurto rikoodhaha ciyaartii Manchester City ee lugta labaad ee wareeggii siddeedda Champions League ee Etihad Stadium, taas oo ay kooxdiisu gool-ku-laad ugu soo gudubtay semi-finalka.

Fede Valverde ayaa u sheegay tababarihiisa Carlo Ancelotti in aanu doonayn inuu tuurto rikoodhaaha, waxaana ay taageereyaasha kooxdiisu isweydiinayeen sababta iyadoo falcelin badan ay ka dhalatay arrintan.

Dadka qaarkood ayaa ku macneeyey inuu ka baqday rikoodhaha, halka kuwo kale oo ogsoon kalsoonidiisa iyo darbaddiisa ay arrinta ku sheegeen in ay macne kale tahay.

Fede Valverde ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta ESPN waxa lagu weydiiyey sababtii uu rikoodhaha u tuuran waayey, waxaanu ku jawaabay: “Haddii aanad dareemayn deggenaan iyo kalsooni aad ku dhalinayso, waa in aad runta sheegto oo aadan tuuranin. Waxay ila tahay in waqtigaasi ahaa xilligii sharafta iyo karaamada, laakiin anigu uma aanan diyaarsanayn in aan rikoodhe tuurto, waxaanan uga tegay saaxiibbadayda kale.”

Si kastaba ha ahaatee, Fede Valverde ayaa waxa uu hadda isku diyaarinayaa safarka ay kooxdiisu ku tegi doonto magaalada Munich oo ay lugta koowaad ee semi-finalka Champions League kula soo ciyaari doonaan Bayern Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*