LIXDII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Ee Qaybta Hore Lasii Go’aamiyey Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal Ay Garaacday Tottenham


Kooxda kubadda cagta Arsenal waxa ay maanta 3-2 kusoo garaacday Tottenham oo ay isku magaalo yihiin, waxaanay Gunners libintan kusii xajisatay hoggaanka horyaalka Premier League oo saddex kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadkiisa.

Saddex gool oo midkood uu iska dhaliyey Hojbjerg, labada kalena ay kala saxeexeen Bukayo Saka iyo Kai Havertz ayaa siiyey Arsenal guul ay ku dhibaatootay oo waqti dambe ay Tottenham kala kulantay culays badan, iyadoo qalad uu sameeyey goolhaye David Raya uu goolka koowaad kaga dhaliyey Cristian Romero, halka waqti dambena uu rikoodhe ka dhaliyey Heung-min Son.

Rikoodhadii laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • Waxay ahayd ciyaartii labaad ee xidhiidh ah ee Arsenal ay guul kasoo gaadho Tottenham oo ay marti u tahay, waxaanay barbarreeyeen rikoodhkan oo ay ugu dambaysay September 1988, waqtigaas oo laba ciyaarood oo is-xigay ay Gunners kasoo adkaatay Tottenham.
  • Waa markii labaad ee Arsenal ay 3-0 ku hoggaamiso Tottenham qaybta hore, waxaanay sidan oo akel sameeyeen September 2021.
  • Tottenham waxa ay noqotay kiooxdii 16aad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan laga dhaliyo 50 gool iyo ka badan, waxaana shabaqooda taabtay 52 gool. Waa markii ugu badnaa ee tiro kooxo intan le’eg ah laga dhaliyo 50 gool iyo ka badan tan iyo sannadkii 1909, waqtigaas oo kubadda oo bilow ahayd 17 kooxood laga dhaliyey min 50 gool iyo dheeraad.
  • Waxay ahayd ciyaartii toddobaad ee Premier League ah ee Tottenham ay goolal iska dhaliso iyadoo la ciyaaraysa Arsenal.
  • Bukayo Saka ayaa dhaliyey 15 gool oo horyaalka Premier League ah xilli-ciyaareedkan, waxaana uu diiwaangashaday rikoodhkiisii ugu badnaa sababtoo ah waligii ma gaadhin 15 gool oo horyaalka ah hal xilli-ciyaareed gudihii.
  • Kai Havertz waxa uu goolal dhaliyey, sidoo kalena uu caawin sameeyey afar ciyaarood oo kala duwan oo horyaalka Premier League ah xilli-ciyaareedkan, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Arsenal ah ee sidaa sameeya tan iyo xilli-ciyaareedkii 2016-17 oo uu Alexis Sanchez afar ciyaarood oo kala duwan goolal dhaliyey, sidoo kalena uu caawin sameeyey.

Xiddigii garoonka 

Kai Havertz ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, sababtoo ah waxa uu dhaliyey gool mid kalena caawiye ayuu ka noqday, isaga oo ciyaarta oo dhan ahaa khatar ay waajahaysay Tottenham. Waxa u dheeraa bandhig gudaha garoonka ah oo uu kubadda samaynayey.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Tottenham: Vicario (6); Porro (6), Romero (7), Van de Ven (6), Davies (6); Hojbjerg (5), Bentancur (6); Kulusevski (6), Maddison (5), Werner (6); Son (7).

Beddelka: Johnson (6), Sarr (6), Richarlison (6), Bissouma (6).

Arsenal: Raya (5); White (6), Saliba (6), Gabriel (6), Tomiyasu (6); Partey (7), Rice (6), Odegaard (6); Saka (8), Havertz (9), Trossard (6).

Beddelka: Martinelli (6), Kiwior (n/a)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*