Iska Illow Mikel Arteta: Tababaraha Qarsoon Ee Sababta U Ah Guulaha Arsenal Oo La Magacaabay


Arsenal ayaa mar kale soo hoysay guul 3-2 ah oo ay ka gaadhay Tottenham, waxaanay kusii dhegsan tahay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay saddex ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhamaanayo.

Gunners ayaa waxa ay maanta soo dubatay Tottenham oo ay marti u ahayd, waxaanay heshay fursad ay afar dhibcood kaga baxsadaan Manchester City oo la ciyaaraysa Nottingham Forest.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu ku ducaysanaysaa in laga qabto Manchester City si ay usoo afjarto abaarta koobab la’aanta horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004 oo hadda laga joogo 20 sannadood, waxaana taas ka xigta inay badiyaan saddexda ciyaarood ee u hadhay iyo in ugu yaraan hal mar barbarro lagu qabto Manchester City.

Tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta oo qaab-ciyaareedkiisa guulaha dhaliyey laga sheekaysanayo, ayaa waxa soo baxay tababare kale oo aan la garanayn sidoo kalena qarsoon oo lagu tilmaamay sirta guulaha Gunners ee xilli-ciyaareedkan, waana Nicolas Jover oo ah macallinka ciyaartoyda Arsenal ku layliya kubbadaha madaxa ah.

Halyeyga Manchester United ee Roy Keane ayaa ammaan kula dul-dhacay Jover oo Arsenal ay kasoo qaadatay Manchester City, isla markaana ciyaartoyda Arsenal oo aan hore ugu fiicnaan jirin kubbadaha madaxa ah ka dhigay naadiga ugu halista badan.

Keane oo ka hadlayay Sky Sports ayaa yidhi: “Waxa aan daawaday qaybta hore ee ciyaarta Tottenham, waxaanan qirayaa in Jover uu qabtay shaqo cajiib ah. Goolka koowaad ee Arsenal, waxa aad moodaysay in muddo laga shaqaynayay, waxaanu ahaa mid aad u fiicnaa.

“Ben White waxa uu sameeyey isbeddel, shanta ciyaartoy ee xagga dambe ayaa samaynaya wax cajiib ah, Takehiro Tomiyasu ayaa isaguna qabtay wax ku filan. Hojbjerg kubaddu way kusii dhacday uun.”

Roy Keane oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu ammaanay sidii uu kubadda madaxa ugu dhaliyey Kai Havertz goolkii saddexaad ee Arsenal ay ka dhaliso Tottenham, waxaana uu sheegay in Jover uu si weyn u caawiyey weeraryahanka reer Germany oo marka horeba ku fiicnaa kubbadaha madaxa ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*