Arsenal Oo AFAR Dhibcood Ku Qabatay Hoggaanka Premier League & Guushii Ay Ku Rafaadeen Ee Tottenham


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay Tottenham oo ay marti u ahayd oo ay qaybtii horeba ka xaqiijisatay libinteeda, waxaanay afar dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League, inkasta oo ay Man City laba ciyaarood haysato.

Arsenal ayaa la joojin kari la’yahay oo sii wadata guulaha cajiibka ah, waxaana ay hoggaanka kusii dhegsan tahay iyadoo saddex ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa si weyn ugu dhax dabbaal-degay garoonka Tottenham Hotspur oo markii ay ciyaartu dhamaatay ay orod ugu tageen halka ay fadhiyeen taageereyaashooda ooay ka muuqatay dhiirranaan iyo farxad badan.

Saddex gool oo qaybtii hore ay dhaliyeen ayaa Arsenal siisay guushan, waxaanay ka badbaadeen dagaal waqti dambe ahaa oo ay samaysay Tottenham oo laba gool oo midkood uu rikoodhe ahaa ay la timid, sidoo kalena dhamaadkii ay cadaadis badan la kulmeen difaaca Arsenal.

Daqiiqaddii 14aad ee bilowga ciyaarta ayay Arsenal u dabbaal-degtay goolkeeda koowaad oo uu kubadda isku qabtay Hobjerg oo kubbad uu doonayey inuu iska difaaco uu si kama’ ah goolkiisa ugu leexiyey.

Goolasha Arsenal oo ku yimid 18 daqiiqadood gudahood oo ka bilaabmayay goolka kama’a uu iskaga dhaliyey Hobjerg, ayaa waxa u raacayay hab-difaac xooggan iyo feejignaan, inkasta oo David Raya uu sameeyey qalad halis geliyey kooxdiisa oo noqday goolka koowaad ee Tottenham.

Tottenham ayaa keentay gool barbarro ahaa oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen oo uu u dhaliyey difaaca dhexe ee Van De Ven, balse markii kubadda la dhigay badhtamaha garoonka ayay VAR lasoo hadashay garsooraha dhexe oo ay u sheegtay in difaacan reer Netherlands uu ku jiray offside.

Daqiiqaddii 27aad ayaa kubbad weerar rogaal-celis ah oo garabka midig loogu tuuray Bukayo Saka, waxa uu laacibka reer England la galay ganaaxa isaga oo usii gooyey laba difaac, kaddibna waxa uu ku hubsaday shabaqa iyadoo kubadda uu dhulka sii mariyey.

Goolkan ayaa waxa uu yimid iyadoo Tottenham ku doodaysa in la siiyo rikoodhe oo qalad lagu galay Klusevski oo isaga oo kubbadda ku socda loo dhigay suul-daaro, balse garsooraa dhexe iyo VAR aanu midkoodna u jawaabin.

Daqiiqaddii 38aad ayay Arsenal keentay goolkeeda saddexaad oo uu madax ku dhaliyey Kai Havertz oo noqday shimbirka goolasha iyo guulaha Arsenal ee qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkan.

Kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Declan Rice ayuu Kai Havertz ku qabtay madax awood badan oo uu goolhayaha dhaafiyey, sidaasna ay ciyaartu ku noqotay 3-0.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay firfircooni la timid Tottenham, laakiin Arsenal ayaa ahayd kooxda halista badan marka laga eego dhinaca weerarka, inkasta oo kubadda ay inteeda badan maamulaysay Tottenham.

Isbeddelo uu sameeyey tababare Postecoglou ayaa firfircooni u sameeyey weerarka Tottenham, gaar ahaan Richarlison oo dhax ordayey difaaca Arsenal.

Goolhaye David Raya ayaa sameeyey qalad xun oo dilaa ah daqiiqaddii 64aad, waxaana uu kubbad u dhiibay Cristian Romero oo hortiisa taagnaa oo isaguna shabaqa u weydaariyey ciyaartana ka dhigay 3-1.

Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaa Tottenham ay heshay rikoodhe uu gool u beddelay Son oo toogtay dhinaca midig ee goolhaye Raya.

Lix daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayay Tottenham cadaadis badan saartay goolka Arsenal, balse kuma aanay guuleysanin inay shabaqa gaadho.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay haysato 80 dhibcood, halka Man City oo goordhow ciyaaraysaa ay leedahay 66 dhibcood balse waxa Man City baaqi u ah hal kulan oo kale oo dheeraad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*