Roy Keane Oo Saadaaliyey Kulanka Arsenal vs Tottenham – Kooxdee Ayuu Guusha Siiyey


Halyeygii Manchester United ee Roy Keane ayaa saawdaaliyey, in Arsenal ay dhibco lumin doonto maanta marka ay safarka ugu tago Tottenham, waxaana halkaas fursad ku heli doonta Manchester City oo awoodi doonta inay si raaxo leh ku qaadato horyaalka markii afraad.

Arsenal oo toddobaadkii hore 5-0 kusoo xasuuqday Chelsea, ayaa haddii ay ka guuleysato Tottenham maanta, waxa ay hoggaanka ku qaban doontaa afar dhibcood oo ay ka horreyn doonto Man City oo laba ciyaarood gacanteeda ku jiraan.

City ayaa kulankeeda waxa ay fiidka la dheeli doontaa Nottingham Forest oo iyaduna ka cararaysa heerka labaad, balse Arsenal waxa waajib ku ah inay ka adkaato Tottenham si ay illaa dhamaadka ugu tartami karto horyaalka Premier League ee ay guushiisa ugu dambaysay sannadkii 2004.

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane oo ka hadlay ciyaartan adag ee Arsenal iyo Tottenham ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in Spurs ay natiijo heli doonto. Waxay ila tahay inay ciyaartu noqon doonto barbarro 1-1 ah ama ay Tottenham ku badin doonto 2-1.”

Keane oo si gaar ah uga hadlayay Arsenal ayaa yidhi: “Aniga iima muuqato in Arsenal ay guul kasoo helayso halkaas. Waxay noqon doontaa ciyaar waalli ah, balse saadaashaydu waa in Spurs ay ku badinayso 2-1.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*