Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Maanta Oo Axad Ah Ay Qoreen Wargeysyada


Bayern Munich ayaa qorsheyneysa inay mar kale u dhaqaaqdo daafaca Manchester City iyo xulka England Kyle Walker, ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixa 33 jirkaan xagaagii hore. (Daily Star)

Milkiilaha Manchester United Sir Jim Ratcliffe ayaa la kulmay wakiilka sare ee Jorge Mendes, kaasoo macaamiishiisa ay ku jiraan mid ka mid ah bartilmaameedyada kooxda oo ah 19ka khadka dhexe ee Benfica Joao Neves. (Daily Mirror)

Crystal Palace ayaa qarka u saaran inay ku biirto tartanka loogu jiro saxiixa 24 jirka daafaca dhexe uga ciyaara Wolfsburg Maxence Lacroix xagaagan. (Telegraph)

Arne Slot ayaa loo magacaabi doonaa inuu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool iyadoo doorkiisa kooxda la bedelayo taasoo qeyb ka ah isbedelada Liverpool ay sameyneyso xagaagan. (The Times)

Rajada West Ham ee ah inay u magacawdo tababarihii hore ee Wolves Julen Lopetegui si uu u bedelo David Moyes xagaagan ayaa u muuqata inay soo dhamaatay iyadoo AC Milan ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto. (Guardian)

Barcelona ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Argentina ee Guido Rodriguez oo 30 jir ah kana soo jeeda kooxda kale ee La Liga ee Real Betis.(Sport).

Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay ilaaliso mustaqbalka 17 jirka daafaca dhexe ee Pau CubarsiĀ  iyagoo ka saxiixaya qandaraas cusub oo lagu burburin karo lacag gaareysa 500 milyan euro. (AS)

Juventus ayaa ka shaqaynaysa inay qandaraasyada u kordhiso weeraryahanka Italy Federico Chiesa, 26, iyo weeraryahanka Serbia Dusan Vlahovic, 24. (Rudy Galetti).

Goolhayaha Jarmalka Loris Karius, oo 30 jir ah, ayaa ka tagi doona Newcastle United si xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Fabrizio Romano)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*