Shaxda Ay Arsenal Kala Hortageyso Galabta Kooxda Tottenham Xilli Rajadooda Horyaalka Ay Ku Xiran Tahay Kulanka Maanta


Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay inuu madax xanuun ku dareemayo soo xulashadiisa shaxda kulanka adag ee maanta ee ay la ciyaarayaan kooxda ay Waqooyiga London ku xafiiltamaan ee Tottenham.

Gunners ayaa heysata koox wada taam ah ka hor kulanka Tottenham iyadoo xiddiga kaliya ee shakiga laga qabo uu yahay Jurrien Timber.

Arteta ayaa la filayaa inuu magacaabo shax la mid ah tii uu Chelsea kala hortagay Talaadadii ee wacdaraha dhigtay islamarkaana Blues ku xasuuqday 5-0.

Waxaase macquul ah inuu isbedelo qaar sameeyo iyadoo Jorginho uu rajeynayo inuu shaxda ku soo laabto oo uu booska kala baxo Thomas Partey.

Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli ayaa sidoo kale tartan ugu jira inay garabka bidix ee weerarka kala baxaan Leandro Trossard.

Shaxda Arsenal (4-3-3): Raya; White, Saliba, Gabriel, Tomiyasu; Odegaard, Jorginho, Rice; Saka, Havertz, Trossard

Shaki waxaa ku jira: Timber (jilibka)

Waqtiga:  4pm SGA

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Garsoore: Michael Oliver

Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Diyaarka Ah: Ramsdale, Raya, Hein; Gabriel, Cedric, Kiwior, Saliba, Timber, Tomiyasu, White, Zinchenko; Elneny, Havertz, Jorginho, Odegaard, Partey, Rice, Smith Rowe, Vieira; Jesus, Martinelli, Nelson, Nketiah, Saka, Trossard

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*