RASMI: Mikel Arteta Oo Shaaciyey Xiddigaha Uu Galabta Kala Hor Tegayo Tottenham


Mikel Arteta ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu galabta kala hortegayo Tottenham oo safar kooban oo daqiiqado qaadanaya ay ugu tegayaan Tottenham oo ay ka wada dhisan yihiin Woqooyiga magaalada London.

Arsenal ayaa mar kale u dhow inay hesho ciyaartoydeeda oo dhamaystiran, iyadoo uu dib ugu soo laabtay difaaca boosaska dhawrka ah ka ciyaara ee Jurrien Timber oo ay xagaagii soo iibsadeen, kaas oo uu Mikel Arteta shaaciyey inuu taam yahay oo uu kooxdiisa qayb ka yahay, balse uu shaki ku jiro in la ciyaarsiin doono.

Arsenal oo hadda hal dhibic ka sarraysa Manchester City oo waliba hal kulan u hadhsan tahay ayaa waxa ay afar dhibcood ka horreyn doontaa shan dhibcood, laakiin waxa ay Man City awoodi doontaa inay dhaafto oo ay hoggaanka ka riixato haddii ay guuleysato dhamaan tartamadeeda.

Mikel Arteta ayaa waxa uu dib u helay Gabriel Magalhaes iyo Takehiro Tomiyasu oo kasoo bogsaday jugo soo gaadhay.

Sidoo kale, Reiss Nelson, Cedirc Soares iyo Fabio Vieira oo muddooyin dher dhaawacyo u jiifay ayaa iyaguna taam noqday.

Halkan kaga bogo xiddigaha Arsenal ee kulanka Tottenham ee galabta

Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, David Raya

Difaacyahanno: Ben White, Gabriel Magalhaes, William Saliba, Oleksandr Zinchenko, Jakub Kiwior, Takehiro Tomiyasu.

Khadka Dhexe: Thomas Partey, Declan Rice, Jorginho, Emile Smith Rowe, Martin Odegaard, Fabio Vieira.

Weeraryahanno: Kai Havertz, Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Gabriel Jesus, Leandro Trossard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*