DEG-DEG: Premier League Oo Xaqiijiyey Kooxdii 1aad Ee Heerka 2aad U Dhacday Xilli-ciyaareedkan


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa xaqiijiyey in kooxdii koowaad ay maanta u dhaadhacday heerka labaad oo ay ka maqnaanayso horyaalka xilli-ciyaareedka soo socda, waxaana sidoo kale la sugi doonaa laba naadi oo kale oo toddobaadyada soo socda ka dhici doona sallaanka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Sheffield United ayaa u dhaadhacday heerka labaad ee Championship, kaddib markii ay xasuuq weyn kala kulantay Newcastle United oo ay marti ugu ahayd garoonka St James’ Park.

Sheffield United ayaa gool uu u dhaliyey Anel Ahmedhodzic la hormartay ciyaarta oo shan daqiiqadood oo kaliya socotay, markaas oo uu tababare Chris Wilder iyo ciyaartoydiisu u qaateen inay ka badbaadayaan heerka labaad oo ay soo dallici doonaan.

Laakiin mar kaliya ayay ciyaartu dhinaca kale iskugu rogtay, waxaana shan gool oo daran-doorri ahaa oo labadii qaybood u qaybsanaa la timid Newcastle United.

Sheffield United oo kaalinta ugu hoosaysa ee 20aad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa kaliya haysata 16 dhibcood oo ay ka urursatay 35 ciyaarood oo ay dheeshay, kuwaas oo ku yimid saddex jeer oo ay guuleysatay iyo toddoba ay barbarro gashay, halka 25ka ciyaarood ee kalana laga badiyey oo s xun loo garaacay.

Waxa ay muddadaas dhalisay 34 gool, halka laga dhaliyey 97 gool, taas oo ka dhigan in ay yihiin -63 gool, waana naadiga goolasha ugu badan lagu leeyahay horyaalka oo dhan.

Premier League ayaa waxa uu maalmaha soo socda xaqiijin doonaa laba kooxood oo kale oo heerka labaad u dhacaya, waxaana halis ku jira oo mid walba ay ku ducaysanaysaa inay ka badbaaddo Burnley, Luton Town iyo Nottingham Forest oo laba ka mid ah ay hoos u dhici doonaa, maadaama Everton oo kusoo xigtaa ay siddeed dhibcood ka sarrayso naadiga 17aad ku jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*