Shuruuddii Layaabka Lahayd Ee Uu Cristiano Ronaldo Ku Xidhay Manchester United Oo La Ogaaday


Cristiano Ronaldo ayaa shuruud adag ku xidhay kooxdiisii hore ee Manchester United waqtigii uu heshiiska u saxeexayey ee ay kala soo wareegayeen Juventus, laakiin markii uu tababare Erik ten Hag yimid uu jabiyey shuruudihii oo uu laacibkanna sidaas kaga tegay Old Trafford.

Xiddiga reer Portugal ayaa dib ugu soo laabtay Old Trafford sannadkii 2021, iyadoo markaas uu tababare ahaa Ole Gunnar Soslkjaer, laakiin afar bilood markii ay Ronaldo iyo Solskjaer wada joogeen, ayaa waxa shaqada laga caydhiyey tababaraha reer Norway.

Waxa ay Manchester United markaas si ku-meelgaadh ah u magacowday Ralf Rangnick oo naadiga sii maamulayey illaa dhamaadkii xilli-ciyaareedkaas, laakiin Ronaldo ayaa la sheegay in uu ahaa shaqsiga codsaday in tababarahan la magacaabo.

Wargeyska BILD ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa qoray, in Ronaldo uu u sheegay tababare Rangnick inuu ciyaarsiiyo oo waliba uu dhamaysto shantii ciyaarood ee isku xigtaba afar ka mid ah, halka kulanka kalena uu beddel ku bixi karayo.

Shuruuddan ayuu ogolaaday Rangnick, kaddibna waxa loo magacaabay tababaraha Manchester United isaga oo dhamaystay lixdii bilood ee ku-meelgaadhka ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa ka tegay Manchester United markii uu Erik ten Hag noqday tababaraha kooxdaas, waxaana uu shandaddiisa xidh-xidhay December 2022 markii laga soo noqday Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*