Manchester United Oo Ilbidhiqsiyadii Ugu Dambeeyey Xajisan Weyday Guul Gacanteeda Ku Jirtay


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa barbarro niyad-jab ah la gashay kooxda khadka cas ku jirta ee Burnley oo waqti dambe ay ogolaatay inay ka dhaliso rikoodhe, inkasta oo ciyaartan uu khilaaf hadheeyey oo Man United laga diiday rikoodhe markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday difaaca Burnley dhamaadkii.

Ciyaar xiiso badnayd oo ka dhacday garoonka Manchester United ee Old Trafford, ayaa waxa ay labada kooxood dhibcaha ku qaybsadeen natiijo 1-1 ah.

Burnley ayaa si lama filaan ah u noqotay kooxda kubadda ku gacan-sarraysay, sidoo kalena samaysay fursado badan oo uu goolhaye Andre Onana ku rafaaday badbaadintooda.

Antony ayaa Manchester United hoggaanka u dhiibay dhamaadka ciyaarta oo ay 11 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, markaas oo uu kubbada isaga oo sii dhacaya dhinaca ka dhigay goolhayaha.

Zeki Amdouni ayaase rikoodhe ku barbarreeyey dhamaadka ciyaarta oo daqiiqado kooban ka hadhsan yihiin, kaddib markii uu goolhaye Andre Onana qalad ku galay Amdouni oo uu dhabarka kaga soo booday isaga oo kubadda iska saaraya, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Amdouni oo beddel kusoo galay.

Manchester United oo ku ciyaaraysay garoonkeeda oo markii ay goolka dhalisay u qaadatay inay guuleysanayso, isla markaana uu hunguri ka galay inay hiigsan karto kaalinta afraad, ayaa waxa dilay qalad uu sameeyey goolhayahoodu.

Natiijadan ayaa waxa ay caawisay Burnley oo hadda laba dhibcood ka hoosaysa Nottingham Forest oo kaalinta 17aad fadhida, waxaana kooxda tababare Vincent Kompany soo gashay rajo ah inay badbaadi karayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*