Darwin Nunez Oo U Baahan Tababare Gaar Ah OO Bara Sida Goolasha Loo Dhameystiro & Qofka Shaqadaas Qaban Kara Oo La Magacaabay


Xiddigii hore ee Premier League Troy Deeney ayaa sheegay in Liverpool ay u baahan tahay tababare gaar ah oo bara weeraryahankooda sida goolasha loo dhameystiro madaama qasaaradiisa ay badatay xilli ciyaareedkan.

Waxa uu sheegay in xiddigii hore ee Liverpool Michael Owen oo halis ku ahaa goolka hortiisa inuu noqon karo macalinka Darwin Nunez ee bari kara sida goolasha loo dhaliyo.

“Haddii aan ahaan lahaa Jurgen Klopp ama bedelkiisa Arne Slot – waxaan taleefanka ka wici lahaa Michael Owen oo aan weydiin lahaa haddii uu tababari karo Darwin Nunez” ayuu Deeney ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska The Sun.

“Xiddiga reer Uruguay waxa uu leeyahay qaab dhismeedka looga baahan yahay weeraryahan heer caalami ah, laakiin waa inuu halis ku noqdo goolka hortiisa.

“Nunez wuxuu seegay fursado waa weyn in ka badan inta uu seegay ciyaaryahan kale oo ka dheela shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, Haddii uu dhalin lahaa qaar ka mid ah, waxay Liverpool ku hogaamin laheyd hanashada horyaalka.

“Waa wax la baran karo dhameystirka goolasha, Nunez wuu u baahan yahay.

“Wuxuu u baahan yahay inuu dabcigiisa bedelo, inuu soo bandhigo halistiisa marka uu jooga banaanka xerada ganaaxa, inuu isdejiyo marka uu fursad helo si uu goosha u dhameystiro.

“Weeraryahankii hore ee Reds Owen waa mid ka mid ah dhameystirayaashii ugu fiicnaa ee aan abid arko – waana sababta aan isaga u wici lahaa si uu wax u baro Nunez.

“Nunez waxa uu dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu birta garaacay sagaal jeer horyaalka Premier League, afar jeer in ka badan ciyaaryahan kale.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*