Liverpool Oo Loo Sheegay Inay La Soo Wareegto Xagaagan Seddex Laacib Oo Hal Koox Oo Premier League U Dheela


Halyeeyga Liverpool John Barnes ayaa u sheegay kooxda inay la soo saxiixato seddex ciyaartooy oo hal koox oo Premier League ah u ciyaara inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xagaagii la soo dhaafay, Liverpool ayaa wajahday isbedel weyn oo khadka dhexe ah ka dib markii ay ka tageen Jordan Henderson, James Milner, Naby Keita, Fabinho iyo Alex Oxlade Chamberlain.

Taas bedelkeeda, Jurgen Klopp wuxuu la soo saxiixday Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch.

Iyadoo Klopp uu baxayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, Liverpool ayaa isku diyaarineysa suuq kala iibsi kale oo mashquul badan.

Tababaraha Feyenoord Arne Slot ayaa noqonaya tababaraha cusub ee Liverpool xagaagan.

Halyeeyga Reds John Barnes ayaa u sheegay kooxda inay la soo wareegto seddex xiddig oo u wada ciyaara kooxda Crystal Palace.

Barnes ayaa yiri: “Marc Guehi waa ciyaaryahan aad u fiican. Guehi waa qof ay tahay inay Liverpool ceyrsato.

“Xitaa ciyaartoyda weerarka sida Eze iyo Olise waa ciyaartooy ay tahay inay Liverpool la soo wareegto.

“City ayaa sidoo kale xiiseyneysa Olise iyo Eze. Si la mid ah Arsenal. Laakiin haddii Salah uu baxom islamarkaana ay Liverpool dooneyso bedelkiisa, waxaan ku bedeli lahaa Eze iyo Olise. Labadaas xiddig iyo Guehi waxay diyaar u yihiin inay u ciyaaraan koox weyn.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*