Mikel Arteta Oo Talo Weydiistay Tababare Kale Si Ay Arsenal Ugu Guuleysato Premier League


Mikel Arteta ayaa talo weydiistay tababaraha halyeeyga ah ee Arsenal Arsene Wenger si uu uga caawiyo inay Arsenal soo gabagabeyso abaarta horyaalka Premier League ka heysata.

20 sannadood ka hor todobaadkan, kooxda Arsene Wenger ee Arsenal ayaa ku guuleysatay horyaalkoodii ugu danbeeyay ee Premier League iyagoo ku qaaday garoonka Spurs xilli ciyaareedkii 2003-04 iyagoo aan laga badinin.

Markii la weydiiyay haddii uu la xiriiriyay tababaraha Faransiiska uu weydiistay talo la xiriirta ku guuleysiga horyaalka, Arteta ayaa ku jawaabay:

“Waxaan la hadlay dhowr jeer. Waxaa jiray mowduucyo gaar ah oo aan ka hadalnay sida qaabkii ay ugu guuleysteen horyaalka gaar ahaan dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Waa uu ka hadli jiray taas markii aan ciyaaryahanka ahaa.

“Waqtigaan oo kale xilli ciyaareedkan, waa inaad heshaa hab aad ku badin karto ciyaaraha. Waana intaas.

“Qaabab kala duwan ayaad u sameyn kartaa, marka aad eegto qaabkii ay kooxdii Arsene Wenger ugu guuleysteen horyaalada.

“Sida ay ciyaaraha qaar u badiyeen iyadoo aad iyo aad la isagu dhawaa.

“Mar walba wuu ka hadli jiray taas iyo qofka ay tahay inuu ismuujiyo waqtigaas si guusha ay u timaado.”

Kooxda Mikel Arteta ayaa Axada la ciyaareysa Tottenham iyagoo ogsoon in guul ay gaaraan ay ku sii heyn doonto hogaanka horyaalka.

Tababaraha reer Spain ayaa ka hoos ciyaaray Arsene Wenger intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2016 ka hor inta uusan noqonin tababaraha Gunners bishii December 2019kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*