Premier League Oo Garsoorihii Uu Necbaa Jurgen Klopp U Dooratay Kulanka Fulham vs Liverpool


Xidhiidhka garsooreyaasha Premier League ayaa shaaciyey garooraha dhax-dhaxaadin doona ciyaarta Liverpool iyo Fulham ee toddobaadka dambe, taas oo ay Liverpool halgan adag u geli doonto inay dib ugu soo laabato dariiqa guusha kaddib saddex ciyaarood oo ay ku jirtay xaalad waji gabax ah oo laga badiyey laba ka mid ah, hal kulanna ay barbarro gashay.

Liverpool oo kaalinta saddexaad u dhacday markii ay guul-darro 1-0 ah Axaddii kala kulantay Crystal Palace ayaa waxa ay Axadda safar ku tegi doontaa magaalada London oo ay Fulham marti ugu noqon doonto.

Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ee PGMOL oo soo saaray garsooreyaasha usbuucan, ayaa waxa ay kulanka Liverpool iyo Fulham u doorteen Craig Pawson oo ay caawin doonaan Marc Perrey iyo Wade Smith.

Ciyaartan ka dhacaysa garoonka Craven Cottage, ayaa waxa garsooraha dhexe noqon doona Tony Harrington oo VAR qaban doona.

Tababarahan ayaa hore ay iskugu dhaceen Jurgen Klopp laba kulan oo hore oo xilli-ciyaareedkan uu usoo qabtay kulamo ay ciyaaraysay Liverpool, waxaana labadaba ay guulo waaweyn kasoo gaadheen Everton iyo Southampton oo FA Cup ahayd bishii February.

Pawson ayay isku dhaceen Jurgen Klopp oo ay colloobeen November 2021, markaas oo Liverpool ay guul-darro 3-2 ahayd kala soo kulantay West Ham oo ay u tagtay iyadoo goolka saddexaad uu ahaa qalad lagu galay Alisson Becker.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*