“Liverpool Way Ogolaatay Inuu Salah Ka Tago Xagaaga…” – Enrique Oo Shaaciyey War Cusub


Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa loo sheegay in uu iskaga tago Liverpool xagaaga foodda inagu soo haya, iyadoo wali uu dalabyo lacag badan leh ka haysto kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga.

Weeraryahanka xulka Masarayaa gelaya sannadkiisii ugu dambeeyey ee heshiiska uu kula jiro Liverpool, waxaana ay Reds ku dedaalaysaa sidii ay ugu qancin lahayd inuu heshiis cusub saxeexo, si ay uga baaqsato inuu si xor ah ku tago Sucuudiga sannad kaddib.

Liverpool ayaa xagaagii waxa ay iska diidday dalab £200 milyan oo Gini ahaa oo ay kooxaha sucuudigu kasoo gudbiyeen Salah, haddase waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay ogolaadaan iibkiisa mar haddii uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, inkasta oo ay marka hore ku dedaali doonaan inay heshiis cusub ka saxeexaan.

Tababare Jurgen Klopp oo ka tegaya Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaa la filayaa inuu saamayn weyn ku yeelan doono go’aamada mustaqbalka ee qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxdaas, waxaana farta lagu fiiqayaa Salah, inkasta oo uu hore ugu adkaystay in aanu go’aankiisu ku xidhnaan doonin  bixitaanka Klopp.

Halyeygii Liverpool ee Jose Enrique ayaa usoo jeediyey Mohamed Salah in uu xagaaga soo socda iskaga tago Liverpool, waxaanu kooxdiisa hore usoo jeediyey inay iibiyaan.

Enrique ayaa yidhi: “Haddii uu dalab sax ah yimaaddo, waa in Liverpool ay u ogolaado Salah inuu tago sababtoo ah waxay ila tahay inuu si dhab ah iskugu dayey inuu ka tago xagaagii hore. Waxa loosoo bandhigay dalab £200 milyan ah xagaagii hore, waxaanu ahaa dalab wanaagsan.

“Marka aad hesho dalabkaas oo kale, xaqiiqaduna tahay in mar horeba uu jiray heshiis u dhexeeyey ciyaartoyga iyo kooxda, waxay ila tahay in Liverpool ay iyaduna mar horeba aqbashay inuu tago, waxaanan rumaysanahay inuu ugu dambayntii xagaagan u wareegi doono Sucuudi Carabiya.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*