Arsenal Oo War Ka Heshay Dhaawaca Martin Odegaard 24 Saacadood Ka Hor Ciyaarta Bayern Munich


Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in kabtanka kooxdiisa ee Martin Odegaard uu dhaawac kaga saaray ciyaartii Aston Villa ee Axaddii, taas oo shaki gelisay in uu laacibkani awoodi doono inuu ciyaaro kulanka lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League ee Bayern Munich.

Arsenal ayay ciyaartoydeedu maanta samaynayaan tababarkii ugu dambeeyey ka hor safarka ay galabta u gelayaan waddanka Germany oo ay habeen dambe marti ugu noqon doonaan Bayern Munich lugta labaad iyagoo ciyaartii hore ee Emirates Stadium kusoo kala baxay barbarro 2-2 ah.

Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo walaac laga muujinayo taam ahaanshihiisa ayaa maanta iska soo xaadiriyey garoonka tababarka Arsenal ee London Colney oo ay ciyaartoyda kooxdu ku samaynayaan tababar kooban, ka hor inta aanay safarka gelin.

Sawirro ayaa laga qaaday Martin Odegaard oo ay sheekaysanayaan Ben White xarunta tababarka dhaxdeeda, waxaana goordhow la filayaa in taam ahaanshaha laacibkan uu ka hadlo tababare Mikel Arteta.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal iyo Bayern Munich ayaa mid walba ay u baahan tahay guul maadaama ay lugtii hore kusoo kala baxeen barbarro, waxaana wareegga afar-dhamaadka tegi doonta kooxda ku adkaata Allianz Arena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*