Laba Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Laga Saaray Liiska Xiddigaha Barcelona Ay Caawa Kala Hor Tegayso PSG


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laba ciyaartoy oo muhiim ah ay ka maqan yihiin kulanka lugta labaad ee wareega siddeedda Champions League oo caawa ay PSG ku ballansan yihiin, waxaana labadan ciyaartoy lagu riday ganaaxyo ay sababeen kaadhadh ay qaateen kulankii hore.

Xavi ayaa 15 saqiiqadood soo geliyey Andreas Christensen ciyaartii lugtii hore ee Paris Saint-Germain waxaana uu laba daqiiqadood oo kaliya markii uu ku jiray uu dhaliyey goolka guusha.

Barcelona oo dib u heshay Frenkie de Jong iyo Pedri oo muddo ka maqnaa garoomada, ayaa waxa ciyaartii lugtii hore ee PSG, balse waxa kaadhadh ka qaatay ciyaartaas Andreas Christensen oo ahaa geesiga kooxdiisa ee ciyaartaas iyo Serge Roberto.

Difaacan hore ee Chelsea, ayaa kaadh loo taagay laba daqiiqadood oo kaliya oo ka hadhsan ciyaarta oo uu qalad ku galay da’yarka Warren Zaire-Emery, waxaanay taasi keentay in la siiyo kaadh.

Sidoo kale, Sergio Roberto ayaa isagana la siiyey kaadh digniin ah, waxaana is-biirsaday tirada kaadhadhka uu ka qaatay tartanka Champions League waxaana uu ka maqnaan doonaa ciyaarta caawa.

Xavi Hernandez ayaa booska Sergi Roberto ee khadka dhexe waxa uu kusoo bilaabi doonaa Pedri oo ka garab ciyaari doona Frenkie de Jong iyo Ilkay Gundogan halka booska difaaca bidix dhexe ay joogaan Jules Kounde iyo Ronald Araujo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*