Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Talaado Ah


Manchester City ayaa wadahadalo la furtay kooxda Wolves iyaga oo ka doonaya saxiixa 22 jirka daafaca garabka uga ciyaara xulka qaranka Algeria ee Rayan Ait-Nuri. (Football Transfers)

Tottenham ayaa dalab u dirtay xiddiga Fulham Tosin Adarabioyo xilli ay isku dayayso in ay Manchester United ku garaacdo tartanka loogu jiro daafaca 26 jirka ah ee reer England (Teamtalk).

Newcastle ayaa raadineysa suurtogalnimada ay kula soo saxiixaneyso Adarabioyo iyo daafaca dhexe ee Bournemouth Lloyd Kelly, oo 25 jir ah, iyadoo labada  xiddig ee reer England uu qandaraaskooda dhacayo xagaagan. (Telegraph)

Manchester United ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka kooxda Sporting Lisbon Viktor Gyokeres laakiin waxay ka cabsi qabaan in Liverpool ay meesha ka saarto fursada ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka Sweden oo 25 jir ah (HITC).

Liverpool ayaa 40 milyan ginni kula soo saxiixan karta daafaca dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Portugal Goncalo Inacio, oo 22 jir ah. (Football Insider)

Liverpool ayaa u calaamadsatay goolhayaha Sunderland ee 21 jirada England Anthony Patterson, oo 23 jir ah, inuu yahay bedelka goolhayaha xulka Republic of Ireland Caoimhin Kelleher, 25. (Mail).

Newcastle United ayaa sii xoojinaysa baadigoobka xiddiga RB Leipzig ee Benjamin Sesko iyaga oo doonaya in ay Manchester United iyo Chelsea ku garaacaan saxiixa 20 jirka reer Slovenia. (Teamtalk)

West Ham ayaa sidoo kale indha indheysay xiddiga Real Betis Juan Miranda, inkastoo Brentford, Crystal Palace iyo Wolves ay sidoo kale isha ku hayaan daafaca bidix ee Spain, 24. (HITC).

Chelsea ayaa qandaraaska u kordhisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina Enzo Fernandez iyo laacibka Ukraine Mykhailo Mudryk, iyadoo labada ciyaaryahan ee 23 jirka ah ay sanad kale ku kordhiyeen heshiisyo waqti dheer ah. (The Sun)

AC Milan ayaa lagu wargeliyay xaalada ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fiorentina iyo Morocco Sofyan Amrabat, oo 27 jir ah, kaasoo haatan amaah ku jooga Manchester United. (Rudy Galetti)

Daafaca midig ee kooxda Tottenham Djed Spence oo 23 jir ah, kaasoo haatan amaah kula jooga kooxda Genoa, ayaa ka mid ah dhawr ciyaartoy oo waaweyn oo la filayo inay xagaagan ka tagaan kooxda ka dhisan London. (Football Insider)

Manchester City ayaa ka mid ah dhowr kooxood oo Yurub ah oo isha ku haya 15 jirka garabka uga ciyaara kooxda Porto ee Cardoso Varela. (Foot Mercato)

Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Everton Frank Lampard ayaa ka baxay tartankii uu ugu jiray inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka Canada. (Telegraph)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*