SHAXDA ISBUUCA: 11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La Shaaciyay


Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa magacaabay shaxda isbuuca ee horyaalka Premier League, inkastoo todobaadkan uu ciyaartoyda qaar geeyay boosaska aysan ka ciyaarin madaama ciyaartooy badan oo isku boos ah ay wacdarro ka dhigeen horyaalka.

Goolhayaha todobaadkan ugu fiicnaa Premier League waa goolhayaha Aston Villa Martinez oo gool u diiday Arsenal kulankii ay Villa 2-0 ku garaacday Gunners.

Seddexda daafac danbe waxaa qaatay xiddiga Man City Gvardiol, xiddiga Crystal Palace Andersen iyo laacibka Newcastle Fabian Schar.

Bruno Fernandes ayaa ka soo muuqday shaxda kooxda isbuuca ka dib markii uu dhaliyay labadii gool ee ay Man United ku barbareysay Bournemouth halka Cole Palmer uu noqday xiddigii ugu fiicnaa horyaalka todobaadkan isagoo dhaliyay afar gool kulankii ay xalay Chelsea ku xasuuqday 6-0 kooxda Everton.

Garbaha waxaa ku soo baxay Gibbs-White oo ka qeyb qaatay barbarihii 2-2 ee ay kooxda Nottingham la gashay Wolves, halka Andreas Pereira uu isna shaxda isbuuca ku soo baxay ka dib markii uu Fulham u dhaliyay labadii gool ee ay ka badiyeen West Ham.

Weerarka waxaa hogaaminaya laacibka Newcsstle Isak oo dhaliyay labo gool kulankii ay Newcastle 4-0 ku xasuuqday Tottenham, waxaana weerarka ku caawinaya Doku oo ka qeyb qaatay guushii Man City ee Luton iyo Cunha oo dhaliyay labadii gool ee ay Wolves ku barbareysay Nottingham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*