Waa Kuma Garsooraha Ay Jeceshahay Real Madrid Ee Loo Magacaabay Kulanka Man City vs Real Madrid?


Guddida farsamada ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha dhaxdhaxaadin doona ciyaarta Manchester City iyo Real Madrid ee lugta labaad ee wareegga sideedda Champions League ee Arbacada ka dhacaysa garoonka Etihad Stadium.

Labada kooxood ayaa ciyaartoodii hore ee garoonka Santiago Bernabeu ee Salaasadii waxa ay kula baxeen barbarro 3-3 ah, waxaana midkooda soo gudbaya ee tegaya semi-finalka lagu go’aamin doonaa Etihad Stadium.

Real Madrid ayaa ciyaartii hore ka cabatay garsooraha oo kaadh degdeg ahaa siiyey Aurelien Tchoumeni oo qalad ku galay Jack Grealish daqiiqaddii koowaad, kaas oo uu gool u beddelay Bernardo Silva oo meel fog ka toogtay kubadda.

UEFA ayaa waxa ay ciyaarta Arbacada u dooratay garsooraha khabiirka ah ee u dhashay Talyaaniga ee Daniele Orsato oo Real Madrid ay rikoodh fiican ka haysato kulamada uu qabtay.

Daniele Orsato ayaa ahaa garsoorihii hayey ciyaartii Manchester City iyo Real Madrid ee lugtii labaad ee semi-finalkii 2021/22 ee ay Real Madrid 3-1 ku garaacday City, taas oo ay ku tagtay finalka oo ay waliba koobka ku guuleysatay.

Halkan kaga bogo natiijooyinka kulamadii uu Daniele Orsato usoo qabtay Real Madrid
-Chelsea- Real Madrid  (0-2). Champions League 2022/23 – Lugta labaad ee wareeggii siddeedda
-Leipzig- Real Madrid  (3-2). Champions League 2022/23 wareegii groupyada.
– Real Madrid -Manchester City (3-1). Champions League 2021/22 lugtii labaad ee semi-finalka.
-PSG- Real Madrid  (1-0). Champions League 2021/22, lugta hore ee wareeggii 16ka.
-Chelsea- Real Madrid  (2-0). Champions League 2020/21, lugtii labaad ee semi-finalka.
– Real Madrid -Manchester City (1-2). Champions League 2019/20 lugtii hore ee wareegga 16ka.
-Galatasaray- Real Madrid  (0-1). Champions League 2019/20 wareeggii group-yada.
– Real Madrid -Malmö (8-0). Champions League 2015/16 wareeggii group-yada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*