Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League, Kaddib Guul-darrooyinkii Arsenal Iyo Liverpool


Lix ciyaarood oo kaliya ayaa ka hadhay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo kusii siqaya marxaladda dhamaadka, waxaana isbeddelay miiska kala-sarraynta oo ay gacanta ku dhigtay Manchester City kaddib markii ay Axaddii guul-darrooyin la kulmeen Arsenal iyo Liverpool.

Horyaalka sannadkan oo si adag loogu dagaallamay, ayaa waxa Man City ay hoggaanka kula wareegtay xasuuq 5-1 ah oo ay Sabtidii u geysatay Luton Town, halka Liverpool lagu garaacay 1-0 oo ay Crystal Palace saddex dhibcood kaga qaadatay garoonka Anfield, sidoo kalena Arsenal ayaa waxa garoonkeeda kaga adkaatay Aston Villa oo 2-0 u dhiibtay.

Kaddib natiijooyinkan, Supercomputer ayaa saadaaliyey lixda ciyaarood ee hadhsan iyo kooxda ku guuleysanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu kala saaray saddexda kooxood ee tartamaya.

Manchester City ayaa ku guuleysan doonta horyaalka oo noqon doonta kooxdii ugu horreysay taariikhda Premier League ee afar sannadood oo isku xigta ku guuleysata, waxaanay horyaalka ku dhamaysan doontaa 86 dhibcood.

Arsenal ayaa labaad ku dhamaysan doointa oo 85 dhibcood yeelan doonta maalinta ugu dambaysa, halka Liverpool ay kaalinta saddexaad ku gelayso 84 dhibcood.

Aston Villa ayaa markii ugu horreysay tan iyo 1983kii, waxa ay kusoo laaban doontaa tartanka Champions League oo ay tan iyo waqtigaa ka maqnayd, waxaanay ku dhamaysan doontaa kaalinta afraad iyadoo yeelanaysa 69 dhibcood, sida ay saadaashani sheegtay.

Tottenham ayaa laba dhibcood ka dambayn doonta Aston Villa oo noqon doonta kooxda shanaad ee Ingiriiska uga soo qayb-geli doonta tartanka Champions League haddii loo ogolaado inay shan naadi yeeshaan maadaama tirada kooxaha ka qayb-gelaya Champions League la kordhinayo oo afar naadi lagu darayo.

Heerka labaad ayaa waxa Sheffield United, Burnley iyo Luton Town oo ugu dhibco hoosayn doona.

Halkan kaga bogo saadaasha oo sawir ah:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*