Taageereyaasha Liverpool Oo Tababare Lama-filaan Ah U Doortay Beddelka Jurgen Klopp


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalbaday tababare lama filaan ah oo ay doonayaan in uu u beddelo Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegi doona Reds oo uu muddo sagaal sannadood ah laylinayey.

Liverpool oo Axaddii la kulantay guul-darro 1-0 ah oo ay u xambaarisay Crystal Palace oo sababtay inay kaalinta saddexaad uga dhacaan horyaalka Premier League, ayaa waxa ay halis ugu jirtaa in ay koob la’aan noqoto.

Arsenal ayaa sidoo kale waxa ay la kulantay guul-darro 2-0 ah oo ay u xambaarisay Aston Villa oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, waxaanay taasi fursad u noqotay Man City oo laba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka.

Taageereyaasha Liverpool ayaa markii ay kooxdoodu guul-darraysatay Axaddii, waxa ay dalbadeen in maamulka kooxdoodu uu tababaraha cusub ee beddelaya Jurgen Klopp ka dhigaan Unai Emery oo ah macallinka Aston Villa oo kaalinta afraad keenay kooxdiisa.

Emery oo hore usoo layliyey Arsenal, PSG, Sevilla iyo kooxo kale oo reer Yurub ah ayaa ay jamaahiirta Liverpool sheegeen in uu leeyahay khibrad ka caawin karta in ay kooxdoodu guulo gaadho, isla markaana aanu u baahnayn waqti uu kula qabsado horyaalka Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*