DEG-DEG: Halbowlaha Barcelona Oo Shaaciyey Go’aanka Mustaqbalkiisa


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Pedri ayaa shaaciyey qorshaha mustaqbalkiisa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay doonayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah.

Kubbad-sameeyahan kasoo laabtay dhaawaca ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay sii joogista Camp Nou oo riyadiisuna ay tahay inuu saxeexo heshiis cusub oo waqti badan kusii haya kooxdan.

24 saacadood ka hor ciyaarta lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League ee ay PSG kusoo booqanayso Estadi Lluis Companys ayaa uu Pedri la hadlay saxaafadda, waxaanu yidhi: “Anigu aad baan u deggenahay sababtoo ah waxa aan ogahay in Barcelona ay ixtiraamo doonto wixii aan u sheegay iyo wada-xaajoodkii qandaraaskayaga.

“Barcelona mar walba waa kooxda riyadayda ahayd.”

Barcelona ayaa la sheegay in ay diyaarisay heshiis cusub oo ay laacibkan isla meel-dhigeen oo faahfaahinta iyo tafaashiisiisa ay dhinacyadu hore u gorfeeyeen, kaas oo bilaha soo socda ay dhinacyadu kala saxeexan doonaan.

Dhinaca kale, Pedri ayaa sheegay in uu aad ugu hammuun qabo ciyaarta PSG ee Salaasada habeen dambe oo garoonkooda loogu imanayo, waxaana uu xusay inuu rajaynayo in ay noqon doonto mid bandhiggeedu illowsiin doono dhibaatooyinkii dhaawacyada ee hore usoo maray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*