Real Madrid Oo Ciyaartoy Aanu Sharcigu U Ogolayn Kusoo Dartay Liiska Xiddigaheeda Kulanka Man City


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa kulanka Manchester City ugu yeedhay ciyaartoy aanu sharcigu u ogolayn oo mamnuuc ay tahay inuu ciyaaro kulankaas, waxaana uu laacibkani ciyaartoyda kooxdiisa ula safri doonaa magaalada Manchester.

Los Blancos ayaa soo saartay liiska ciyaartoydeeda lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League oo ay marti u noqon doonaan Manchester City oo lugtii hore ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu ay kusoo kala baxeen barbarro 3-3 ah.

Carlo Ancelotti oo maanta shaaciyey liiska xiddigaha uu ula safrayo UK, ayaa waxa si lama filaan ah uu ugu soo daray khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni oo ganaax ku maqnaanaya ciyaartan, isla markaana aan loo ogolaan doonin maadaama uu kaadh qaatay daqiiqaddii 1aad ee ciyaartii hore ee Manchester City.

Lama garanayo sababta ay Real Madrid liiska ciyaartoydeeda ugu soo dartay Aurelien Tchouameni oo ganaax ah, waxaase uu Carlo Ancelotti kala dooran doonaa Nacho Fernandez iyo Eder Militao oo uu midkood kusoo garab bilaaban doono Antonio Rudiger oo lugtii hore uu Aurelien Tchouameni ka garab ciyaarayey.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Real Madrid samayso qalad sidan oo kale ah, hase yeeshee sannadkii 2015 ayaa waxa Real Madrid ay liiska ciyaartoydeeda kusoo dartay Denis Cheryshev kulan ka tirsanaa Copa del Rey oo aan laacibkan loo ogolayn maadaama uu kaadh digniin ahaa soo qaatay ciyaartii Cadiz ee usbuucii ka horreeyey.

Real Madrid ayaa waxa laga saaray tartankaas oo marayey wareegga 32ka inkasta oo ay soo badiyeen sababtoo ah Denis Cheryshev ayay ciyaarsiiyeen, waxaanay markii dambe Los Blancos ku doodday in aanay ogayn in laacibkani uu ganaax yahay, balse lama rafcaan oo ay ka qaadatay ayaa laga diiday oo sidaas ayaana lagaga saaray tartanka sannadkii 2015.

Si kastaba ha ahaatee, Aurelien Tchouameni oo la wada ogyahay in uu ganaax ku maqnaanayo ciyaartan ayaan la garanayn sababta ay Real Madrid ugu soo dartay liiskeeda, waxaana la eegi doonaa tallaabada ay qaaddo UEFA iyo haddii uu Carlo Ancelotti ka saari doono liiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*