Zinedine Zidane Oo Loo Magacaabayo Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah


Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine ZidaneĀ  ayaa loo magacaabayaa koox weyn oo reer Yurub ah oo uu kusoo baxay liiska gaaban ee go’aanka ugu dambeeya lagu shaacinayo.

Zinedine Zidane oo ay da’diisu tahay 51 jir oo aan wax shaqo ah qabannin tan iyo sannadkii 2021 oo uu iska casilay Real Madrid isaga oo ku hoggaamiyey horyaalka LaLiga, sidoo kalena u qaaday saddex Champions League oo xidhiidh ahaa ayaa dib ugu soo laaban doona shaqada xagaaga soo socda.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Zinedine Zidane ayaa waxa uu qarka u saaran yahay kooxda horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan uu ka tegayo Thomas Tuchel, kaddib markii ay kooxdiisu awoodi weyday inay difaacato horyaalka ay 11ka sannadood ee xidhiidhka ah ku guuleysteen.

Tuchel oo Bayern Munich loo magacaabay March 2023, ayaa markii uu sannad u buuxsamay lagu wargeliyey in laga eryayo shaqada dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Zinedine Zidane ayaa hadda ah tababaraha aadka loogu hadal-hayo Bayern Munich maadaama Xabi Alonso uu iska diiday, balse waxa kale oo liiska kula jira Jose Mourinho, Hansi Flick iyo Julian Nagelsmann.

Zidane ayaa noqday tababarihii ugu horreeyey ee abid ku guuleysta saddex Champions League oo isku xiga, waxaana uu raacsaday UEFA Super Cup iyo FIFA Club World, Cup, laba horyaal oo LaLiga ah iyo Supercopa de Espana.

Sannadkii 2017 ayuu ku guuleystay abaal-marinta FIFA ee tababaraha ugu wanaagsan, ka hor intii aanu sannadkii 2018 iska casilin shaqada, balse sannadkii xigay ayuu dib ugu soo laabtay markii ay muddo kooban ku fashilmeen laba tababare, kooxduna hoos u dhacday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*