Andy Robertson Oo Magacaabay Cidda Iska Leh Eedda Burburka Liverpool


Khabiirka ciyaaraha Piers Morgan ayaa canaan kula dul-dhacay tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta oo uu ku eedeeyey inuu sameeyey qalad weyn oo indho la’aan ah kaddib markii ay kooxdaasi guul-darro weyn kala kulantay Aston Villa maalintii Axadda, sidaasna ku lumisay hoggaanka horyaalka.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu laba dhibcood ka dambaysaa Manchester City, iyadoo waliba ay kusoo aaddan yihiin kooxaha Chelsea, Manchester United, Tottenham iyo Everton oo ka midah lixda kulan ee Gunners u hadhsan.

Morgan oo lagu yaqaano inuu taageere weyn u yahay Arsenal, ayaa ku dooday in ‘Mikel Arteta uu gurdur gudayo’, waxaana uu u sheegay xalka weerarka kooxdiisa oo uu tilmaamay inuu yahay Cristiano Ronaldo oo la keeno Emirates Stadium.

Morgan ayaa waxa uu saluugsan yahay Kai Havertz oo ay lacag badan kasoo bixisay Arsenal iyo Gabriel Jesus oo ay gool-dhalintiisu aad u hoosayso, inkasta oo uu laacibka reer Brazil la dhacsan yahay.

Piers Morgan oo ka hadlayay guul-darradii Arsenal ee shalay ayaa yidhi: “Fursado badan ayay heleen Arsenal qaybtii hore, kamana ay faa’iidaysan. Haddii Watkins uu noo ciyaari lahaa annaga, waxa aanu ku badin lahayn 3-0.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Piers Morgan sii raaciyey: “Cristiano Ronaldo haddii uu joogi lahaa kooxdayada Arsenal, waxa uu xilli-ciyaareedkan noo dhalin lahaa 25 gool iyo ka badan. Arseta ayaase iska diiday inuu la saxeexdo weeryahan sare, waana qalad weyn iyo indho la’aan uu soconayo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*