Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Saaka Oo Isniin Ah


Tababarihii hore ee Bayern Munich, Monaco iyo Wolfsburg Niko Kovac ayaa si lama filaan ah loola xiriiriyay in loo tixgelinayo inuu Jurgen Klopp ka bedelo shaqada tababare ee kooxda Liverpool. (Daily Mail)

Newcastle ayaa ka dhigtay weerarka khadka dhexe ee kooxda Nottingham Forest ee Ingariiska Morgan Gibbs-White, oo 24 jir ah, mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga xagaaga. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa laga yaabaa inay 30 milyan ginni kula soo saxiixato garabka reer England Marcus Edwards, oo 25 jir ah, kana tirsan Sporting Lisbon. (Insider Football)

Marcus Rashford ayaa qarka u saaran inuu sii joogo Manchester United iyadoo Paris St-Germain ay si cad u sheegtay inaysan wax xiiso ah u qabin saxiixa 26 jirka reer England. (The Sun)

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Netherland Teun Koopmeiners, oo 26 jir ah, iyagoo indha-indheeyayaal u dirtay isaga intii lagu jiray kulankii Atalanta ee Europa League ee Liverpool. (Sportmediaset)

Tottenham ayaa ku raad joogta ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Kiernan Dewsbury-Hall, waxaana laga yaabaa inay 25 sanno jirkaan kula soo wareegto inta u dhaxaysa 30 ilaa 40 milyan ginni xagaagan. (Football Insider)

Tottenham ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa daafaca reer Talyaani ee Riccardo Calafiori, oo 21 jir ah, kana tirsan Bologna xagaaga. (Tuttosport)

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Spain Bryan Gil ayaa laga yaabaa inuu raadsado inuu ka tago Tottenham xagaaga, Spurs ayaana dooneysa inay u ogolaato 23 sanno jirkaan inuu si rasmi ah kooxda uga tago. (Sport)

Everton ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato 28-jirka khadka dhexe ee Belgium Leander Dendoncker, kaasoo haatan amaah kula jooga Napoli, balse ay iska leedahay Aston Villa (Football Insider)

Barcelona ayaa kalsooni ku qabta in daafaca dhexe ee Spain Pau Cubarsi, oo 17 jir ah, uu saxiixi doono qandaraas cusub inkastoo ay xiiseynayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub. (Mundo Deportivo)

Barca ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa inay qandaraaska u kordhiso Lamine Yamal, xitaa haddii Paris St-Germain ay dalab kale ka soo gudbiso ka dib markii ay dhawaan dalab waali ah ka gudbiyeen 16 jirka reer Spain. (Nicolo Schira)

Bayern Munich ayaa la xiriirtay Zinedine Zidane oo aan wali ku soo laaban shaqada tababare tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid seddex sano ka hor, waxayna doonayaan inuu u bedelo Thomas Tuchel oo kooxda ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Marca)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*