Waxyaabihii Uu Qalday Jurgen Klopp Ee Fursadda Siiyey Crystal Palace, Soona Afjaray Rajadii Liverpool


Liverpool ayaa lumisay fursado tiro badan kulankii Crystal Palace, waxaanay ogolaadeen guul-darro 1-0 ah oo sababaysa inay kaalinta saddexaad kaga jiraan horyaalka Premier League, iyagoo hadda ku ducaysan doona in loo qabto Arsenal iyo Manchester City oo waliba labadaba laga badiyo, iyaguna ay guuleystaan dhamaan kulamada u hadhsan.

Liverpool oo rajaynaysay inay heli doonto firfircooni dheeraad ah maadaama ay dib ugu soo laabteen Alisson Becker, Diogo Jota iyo Alexander-Arnold ayaa la kulantay guuldarro iyadoo uu gool ka dhaliyey Eze, isla markaana laynka laga soo celiyey kubbad uu Jean-Philippe Mateta dhaafiyey goolhayaha.

Nathaniel Clyne iyo Joachim Anderson ayaa sameeyey hab-difaac mucjiso ahaa oo ay ku badbaadiyeen fursado badan oo ay heshay Liverpool.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sameeyey afar qalad oo uu ku yeelanayo eedda guul-darrada iyo wixii ku dhacay kooxdiisu, waxaanay qaladaadkaasi ahaayeen:

1. Khadkii dhexe ee ay burburisay Atalanta oo uu dib usoo celiyey

Liverpool waxa 3-0 ku karbaashtay Atalanta habeenkii Jimcuhu soo gelayey iyaga oo waliba ku sugnaa garoonka Anfield. Jurgen Klopp waxa uu qirtay in ciyaartoydiisa khadka dhexe aanay waxba isku deyin ciyaartaas, laakiin waxa layaab noqotay in uu laba maalmood kaddib kusoo wada bilaabay isla saddexdii ciyaartaas ku fashilantay ee Wataru Endo, Alexis Mac Allister iyo Curtis Jones.

Inkasta oo saddexdan ciyaartoy ay hore ugu muuqan jireen kuwo is-dheeli tiraya, haddana ciyaartan ma aanay ahayn sidaas, waxaana ka maqnaaday hal-abuurkii taas oo keentay in waqtigii nasashada uu soo raaciyo Dominik Szoboszlai.

2. Ku adkaysiga Nunez

Darwin Nunez oo 11 ciyartoy dhaliyey sideed kalena caawiyey 29 ciyaarood oo Premier League ah oo uu u saftay Liverpool ayaa kusoo bilowday ciyaartan. Nasiib-darro, waxa muuqatay in ay hoosayso kalsoonidiisu, waxaana uu khasaariyey fursado badan oo goolal noqon lahaa.

Nunez oo ciyaartii Atalanta lumiyey fursado tiro badnaa, ayaa waxa tababare Klopp ay ahayd in uu nasiyo oo uu booska weerarka dhexe kusoo bilaabo Cody Gakpo amaba uu waqti hore keeno.

3. Difaaca oo aan waardiyeyaal lahayn

Wataru Endo iyo Curtis Jones midkoodna uma shaqaynayn sidii waardiye fiican oo ilaalin karaya difaacyahannada, waxaana ay ahaayeen kuwo aan u dheelayn sidii burburiye fiican.

Waxa muuqata in Liverpool ay u baahan tahay burburiye fiican isla markaana difaacu ay u baahan yihiin in sixitaan lagu sameeyo waxyaabaha ka qaldan.

4. Deggenaantii oo la illoobay

Liverpool waxa lagu yaqaanay inay yihiin boqorrada goolasha ee waqtiyada dambe, waxaase ay ciyaartan ahaayeen kuwo lumiyey deggenaantii ay ku samayn jireen soo-laabashada.

Xilli-ciyaareedkan, waxa uu tababare Jurgen Klopp ka illoobay ciyaartoyda kooxdiisa in uu u sheego sirtii sababta u noqon jirtay soo-laabashada, waxaana sidoo kale uu waayey xeeladdii uu ku keeni lahaa in ay kooxdiisu soo laabasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*