AFARTII Ciyaartoy Ee Sababta U Ahaa Guul-darrada Liverpool, Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Murugada U Keenay Reds


Liverpool ayaa xilli-ciyaareedkeedu uu kusii socdaa inuu murugo ku dhamaado, kaddib saddex ciyaarood oo isku xiga oo aanay wax guul ah arag oo laba laga badiyey midna ay barbarro galeen, waxaanay kaalinta saddexaad uga dhaceen horyaalka Premier League, kaddib markii ay guul-darro 1-0 ah kala kulmeen Crystal Palace.

Reds oo joogtay garoonkeeda ayaa waxa guul-darradeeda sabab u noqday gool uu ka dhaliyey Eberechi Eze daqiiqaddii 14aad, iyadoo Liverpool ay ciyaartoydeedu noqdeen mindi aan af lahayn oo ay awoodi waayey inay wax goolal ah dhaliyaan.

Goolhaye Dean Henderson ayaa noqday geesi kubbado halis ahaa ka badbaadiyey kooxdiisa, iyadoo fursado ay heleen ay ka faa’iidayn waayeen Diogo Jota, Curtis Jones, Mohamed Salah, Van Dijk, Diaz iyo Nunez.

Afartii ciyaartoy ee sababta u noqday guul-darrada Liverpool

Labada weeraryahan Mohamed Salah iyo Darwin Nunez oo lagu daray Ibrahima Konate iyo Endo ayaa noqday afarta ciyaartoy ee ugu liitay Liverpool. Waxa kale oo soo raacay labada beddelka kusoo galay ee Diogo Jota iyo Alexander-Arnold oo kasoo laabtay dhaawacyo.

Xiddigii garoonka

Joachim Andersen oo difaaca uga ciyaara Crystal Palace ayaa uu telefishanka Sky Sports siiyey xiddigii garoonka, balse goolhaye Dean Henderson ayaa isaguna u qalmayay oo la wadaagayey qiimayna uu sarraysa ee ciyaartoyda labada kooxood.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Liverpool: Alisson (7), Bradley (6), Van Dijk (6), Konate (5), Robertson (7), Mac Allister (6), Endo (5), Jones (6), Diaz (6), Salah (5), Nunez (5).

Beddelka: Szoboszlai (6), Alexander-Arnold (5), Jota (5), Gakpo (7), Elliott (6).

Crystal Palace: Henderson (9), Munoz (7), Clyne (8), Andersen (9), Mitchell (9), Lerma (8), Hughes (7), Wharton (8), Eze (8), Olise (7), Mateta (7).

Beddelka: Ayew (6), Ward (7), Schlupp (6), Riedewald (6), Edouard (n/a).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*