Liverpool Oo Murugo Ku Macasalaamaysay Premier League Iyo Anfield Oo Noqday Garoonka Kooxaha Kale


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa murugo kale ay hadhaysay, waxaana ay si dhab ah uga quusanayaan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay si dhab ah uga quusanayaan iyagoo kaalinta saddexaad u dhacay xilli ay toddoba ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin.

Liverpool ayaa guul-darro xanuun kulul waxa garoonkeeda ugu xambaarisay Crystal Palace oo 1-0 ku garaacday halka Van Dijk uu dib usoo celiyey xasuustii murugada lahayd ee toban sannadood ka hor ee Steven Gerrard uu ku kufay garoonka Anfield ciyaar ay ku xidhnayd rajada kooxdiisu.

Kulankan oo ay inta badan ciyaarta maamulaysay Liverpool ayay awoodi waayeen inay ka faa’iidaystaan fursado badan oo ay heleen, waxaana lagaga adkaaday gool madi ah oo qaybtii hore laga dhaliyey.

Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegaya Liverpool ayaa natiijada maanta ay uga dhigan tahay in ay adag tahay in uu kooxdiisa hadiyad uga sii dhigo horyaalka Premier League maadaama ay Man City laba dhibcood ka horreyso, isla markaana Arsenal ay saddex dhibcood dhaafi doonto haddii ay kasoo adkaato Aston Villa.

Liverpool ayaa si aan dhiirranaan badan lahayn ku bilaabatay ciyaarta, waxaana ay kala-daadsanaan ka muuqatay khadka dhexe iyo difaaca oo si fudud looga dhaliyey gool/

Daqiiqaddii 1aad ayuu Mohamed Salah kubbad la hor tegay goolka oo uu lumiyey, sidoo kalena Mac Allister ayaa toban daqiiqadood kaddib goolka toogtay oo waxyar ay ka dallacantay, ka hor intii aanu laba jeer oo kale Salah kubbadda goolka la waayin.

Daqiiqaddii 13aad ayay Crystal Palace burburisay garabka midig ee difaaca, sidoo kalena Liverpool oo ay ciyaartoydeedu hurdaan ay si fudud shabaqeeda ugu hubsatay gool uu u dhaliyey Eze oo sabab u noqday in Jurgen Klopp uu madaxa foorariyo.

Daqiiqado kaddib ayaa uu Van Dijk kufay iyadoo uu Mateta kubbad kula soo baxay waxaana uu laacibkani kubadda weydaariyey Alisson Becker balse waxa badbaadiyey Andy Robertson oo kubadda ka daba tegay oo laynka kasoo qabtay.

Luis Diaz iyo Van Dijk ayaa uu nasiibku diiday dhawr jeer oo ay kubbaddu birta kaga dhacday, halka Jones kubbad uu kula baxay goolka uu waxyar dhinaca ka mariyey.

Difaacii hore ee Liverpool ee Clyne ayaa laba kubbadood oo goolka ku socday badbaadiyey iyadoo goolhayuhuna ka maqan yahay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Crystal Palace.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool aanay wax guul ah arag saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, waxaana ka adkaaday oo garoonka Anfield ku karbaashay Atalanta iyo Crystal Palace, halka Manchester United ay barbarro lasoo galeen.

Liverpool ayaa hadda haysata 71 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Arsenal oo la ciyaaraysa Aston Villa, halka Manchester City ay 73 dhibcood leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*