Mustaqbalka Marcus Rashford Ee Manchester United Oo Uu War Cusub Kasoo Kordhay


Mustaqbalka weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford ee Machester United ayuu war cusub kasoo kordhay, kaddib markii ay kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ay caddaysay in aanay doonayn inay la saxeexato laacibkan.

Rashford oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa lala xidhiidhinayey PSG oo la sheegay inay u doonayso inay ka dhigato beddelka Kylian Mbappe oo la rumaysan yahay inuu si xor ah ugu wareegi doono Real Madrid xagaaga soo socda.

Laacibka oo toddobaadkii ay Manchester United mushahar u siiso £325,000 Gini, ayaa Red Devils kula jira heshiis soconaya illaa sannadka 2028, waxaana uu kusii negaan doonaa kooxdiisa mar haddii aanay PSG doonayn inay ku bixiso lacag waqtigan.

Ilo wareedyo PSG ah ayaa u sheegay wargeyska The Sun, in aanay Man United marnaba doonayn inay la saxeexato Marcus Rashford, isla markaana aanu ku jirin qorshahooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*