Arsenal Oo Guul-darro Xanuun Badan Loogu Xambaariyey Garoonkeeda Iyo Horyaalkii Oo Si Buuxda Gacanta Ugu Galay Man City


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun badan ay soo gaadhay, waxaanay lumisay hoggaanka horyaalka Premier League oo si buuxda gacanta ugu galay Manchester City oo hadda laba dhibcood oo nadiif ah ka horreysa Arsenal iyo Liverpool oo hoos usoo dhacay.

Arsenal oo garoonkeeda ku ciyaaraysay, ayaa waxa 2-0 ku garaacday Aston Villa oo iyaduna si buuxda usoo ceshatay kaalinta afraad ee miiska akala-sarraynta oo usbuucyadii u dambeeyey ay Tottenham ku haysatay.

Laba gool oo ay saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen oo ay kala dhaliyeen Leon Bailey iyo Ollie Watkins ayaa guul ku hoggaamiyey Aston Villa isla markaana murugo iyo khasaare weyn oo waqti adag ah u xambaariyey Arsenal oo garoonkeeda joogtay.

Arsenal oo 17 jeer toogatay goolka intii ay ciyaartu socotay isla markaana afar ka mid ah faraha ku casaysay goolhayaha ayaa awoodi weyday inay shabaqa soo taabato, halka Aston Villa ay laba jeer oo ay goolka kubadda ku beegtay shabaqa taabsiisay.

Tababare Unai Emery ayaa isbeddel uu sameeyey daqiiqaddii 80aad, waxa uu keenay in ciyaartu waji kale yeelato oo ay afka qabsadaan taageereyaasha kooxdiisii hore ee Arsenal.

Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaa fursado ay heleen lumiyey, sidoo kalena Bukayo Saka ayaa uu nasiibku diiday dhawr jeer, ilaa intii laga soo gaadhayey daqiiqadda 80aad oo ahayd markii uu tababare Unai Emery isbeddelka sameeyey.

Kubbad uu Lucas Digne soo tuuray, ayaa waxa xerada ganaaxa ka helay Leon Bailey oo shabaqa u weydaariyey goolhaye David Raya oo fursado hore oo dahabi ahaa badbaadiyey, waxaana uu goolkani dhashay daqiiqaddii 83aad.

Goolkan ayaa qalbi-jab ku keenay Arsenal, waxaanay isku dayeen inay hore usoo baxaan oo ay raadiyaan goolal, halka ay illoobeen khadka difaaca.

Daqiiqaddii 87aad ayuu Youri Tielemans kubbad ka qabsaday xerada ganaaxa ee goolkiisa horteeda, waxaana uu u tuuray Ollie Watkins oo badhtamaha garoonka joogay isla markaana difaaca Arsenal aanay taxadar badan ka samaynin, waxaana uu kubadda orod kaga dheereeyey Smith Rowe illaa uu la gelayey xerada ganaaxa, markaas oo uu kubadda ka dul-qaaday goolhaye Raya.

Arsenal ayay ka baahday kubaddu wixii intaas ka dambeeyey, waxaana  burburay khadka dhexe oo ka hor intii aan goolasha laga dhalinin uu Mikel Arteta ka saaray kabtan Martin Odegaard, waxaanay awoodi waayeen in ay dhamaadkii xataa kubadda ku aaddiyaan goolka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Aston Villa oo yeelatay 63 dhibcood isla markaana saddex dhibcood soo dhaaftay Tottenham oo hore afraad ugu haysatay halka Arsenal ay ku negaatay 71 dhibcood oo ay laba dhibcood ka dambeeyaan Manchester City oo hoggaanka ku haysa 73 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*