DEG-DEG: Manchester United Oo Xaqiijisay Ciyaartoyga Koowaad Ee Ka Tegaya Xagaaga


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay, in uu si xor ah uga tegayo xiddiga reer France ee Anthony Martial oo soo afjari doona muddo sagaal sannadood ah oo uu ka ciyaarayay Old Trafford oo uu kusoo qaatay waqtiyo kala marxalado duwanaa, laakiin uu inta badan xilli-ciyaareedkan u jiifay dhaawacyo kusoo noqnoqday.

Weeraryahanka reer France oo 317 kulan u saftay Manchester United una dhaliyey 90 gool oo dhamaan tartamada ah ayaa ay Red Devils go’aansatay in aanay dhaqan-gelinin qodob ku jiray heshiiskiisa dhamaadka noqonaya bishia June kaas oo dhigayay in Manchester United ay sannad kale oo dookh ah ku kordhin karayso heshiiskiisa.

Tababare Erik ten Hag oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in Anthony Martial uu tababarka kusoo laabtay laakiin aanu hubin in uu mar dambe xidhan doono garanka kooxdaas xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena uu bixi doono xagaata.

Ten Hag oo ka hadlayay laacibkan ayaa yidhi: “Martial wuu tababaranayaa laakiin anigu ma ogi haddii uu mar kale ciyaari doono xilli-ciyaareedkan. Wali waxa uu ku jiraa xaalad daaweyn oo khaas ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa la sheegayaa inay ka tegi doonaan ciyaartooyo kale oo muhiim ah sida difaaca reer France ee Raphael Varane oo qandaraaskiisu uu sida Martial oo kale ku jiro bilihii ugu dambeeyey, isla markaana loo badinayo in aanay kooxdu dhaqan-gelin doonin sannad dookh ah oo uu siinayo qandaraaskiisu.

Waxa kale oo isagana la sheegayaa in uu Old Trafford ka tegi doono kubbad burburiyaha reer Brazil ee Casemiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*