Erik ten Hag Iyo Tababareyaasha Kale Ee Laga Caydhinayo Horyaalka Premier League Toddobaadka Dambe Oo La Ogaaday


Tiro tababareyaal ah ayaa shaqada laga caydhin doonaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League inta aanu dhamaanin xilli-ciyaareedkan socda, si ay ku warramayso warbaahinta dalkaas ee sida dhow ula socota xogta naadiyada ee aan dbedda usoo bixin.

Tartanka FA Cup ee maraya wareegga semi-finalka ayaa la sheegay in uu ku xidhan yahay mustaqbalka illaa laba tababare oo haddii ay guulo ka keeni waayaan shaqada laga caydhin doono.

Manchester United oo si aad ah u saluugsan Erik ten Hag ayaa usoo gudubtay semi-finalka waxaanay la ciyaaraysaa Coventry City iyadoo koobkani uu yahay midka kaliya ee ay Red Devils fursad u haysato inay ku guuleysan karto.

Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in uu shaqada ka caydhin doono Erik ten Hag haddii ay kooxdu ku hadho semi-finalka oo ay soo dhaafi weydo naadiga heerka labaad ee Conventry City oo ay maalinta Axadda ah ee 21 April kula ciyaari doonaan garoonka Wembley.

Waxa kale oo mustaqbalkiisu uu laalan yahay tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino oo uu warku sheegay in la eryi doono haddii ay kooxdiisu soo dhaafi weydo Manchester City oo ay isku dhaceen semi-finalka oo ay iyaguna ku kala calaf qaadi doonaan garoonka Wembley Stadium.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*