“Fadlan Ii Keena!” Luis Enrique Oo Codsaday In Loo Keeno Xiddigii Barcelona Ee Burburiyey Kooxdiisa


Tababaraha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Luis Enrique ayaa ka dalbaday maamulka naadigiisa in ay ka shaqeeyaan sidii ay Parc des Princes u keeni lahaayeen xiddig ka tirsan Barcelona oo kala gooyey khadka dhexe ee kooxdiisa ciyaartii lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League.

Barcelona ayaa safar ku tagtay Paris maalintii Arbacada, waxaanay 3-2 kusoo karbaashtay Paris Saint-Germain oo joogtay garoonkeeda.

Luis Enrique ayaa kooxdiisu ay xambaaratay guul-darro iyadoo garoonka jooga, waxaana ay toddobaadkan tegi doonaan Spain iyadoo fursaddeedu yar tahay, hase yeeshee guul soo laabasho ah oo ay gaadhaan ayaa ku hoggaamin karta inay iska xaadiriyaan semi-finalka.

Sida uu qoray wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain, tababare Luis Enrique ayaa waxa uu ka dalbaday madaxweynaha kooxdiisa ee Nasser Al-Khelaifi in uu xagaagan kusoo xoojiyo safka kooxdiisa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Frenkie de Jong.

Kubbad-sameeyaha reer Netherlands oo ay sannadihii ugu dambeeyey raadinayeen kooxo waaweyn sida Chelsea iyo Manchester United oo aan wali ka hadhin, ayaa waxa uu khadka dhexe ugu awood sheegtay Vitinha, Fabian Ruiz iyo Lee Kang-In ciyaartii PSG, taas oo ka caawisay naadigiisa inay guul kusoo helaan garoon ay marti ku yihiin.

De Jong oo qandaraaskiisa Barcelona uu soconayo illaa June 2026, ayaa waxa uu Camp Nou kusoo biiray sannadkii 2019 waxaanu illaa hadda u saftay 211 ciyaarood oo uu u dhaliyey 17 gool iyo 21 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*