Rio Ferdinand Oo Saadaaliyey Natiijooyinka TODDOBADA Ciyaarood Ee U Hadhay Arsenal, Liverpool Iyo Man City


Halyeyga reer England ee Rio Ferdinand ayaa rumaysan in Arsenal ay laba jeer dhibco lumin doonto toddobada ciyaarood ee ka hadhsan horyaala Premier League ee xilli-ciyaareedkan, taasina ay keenayso in ay ku guuleysan waayaan horyaalka ay hadda hoggaankiisa hayaan.

Sidii dhacday 12 bilood ka hor, kooxda tababare Mikel Arteta ayaa is-dhiibi doonta oo lumin doonta hoggaanka horyaalka waxaana xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ay waqti dambe ka quusan doonaan horyaalka Premier League, iyadoo hadda uu xaaladdooda sii adkaynayo tartanka Champions League.

Gunners waxa ay marti u noqon doonaa kooxo waaweyn sida Manchester United iyo Tottenham, halka Chelsea oouu xafiiltan adag ka dhexeeyo ay ku qaabbili doonaan Emirates Stadium.

Axadda berri ayaa ay imtixaan adag oo kale mari doonaan waxaanay waajahayaan Aston Villa oo u dagaallamaysa inay dib usoo ceshato booska kaalinta afraad, ka hor inta aanay safarka ugu tegin Wolves.

Difaacii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand oo ka hadlay kulamada toddobada ah ee ka hadhsan horyaalka Premier League, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Liverpool ay qas geli doonto kaddib natiijooyinkii Manchester United iyo Atalanta oo midna si xun ay Atalanta ugu xasuuqday Anfield, midna ay barbarro lasoo galeen Man United. Waxa uu Riyo ku dooday in ay Liverpool dhibaato kala kulmi doonto Everton.

Dhinaca kale, Rio Ferdinand ayaa ku dooday in horyaalku uu gacanta u geli doono Manchester City oo xilli-ciyaareedkii afraad oo xidhiidh ah hantiyi doonta horyaalka isla markaana samayn doonta taariikh cusub oo aan hore uga dhicin Premier League.

Waxa uu Rio Ferdinand saadaaliyey in Arsenal iyo Liverpool ay min 86 dhibcood ku dhamaysan doonaan xilli-ciyaareedka, halka Manchester City ay 89 dhibcood yeelan doonto maalinta ugu dambaysa.

Halkan kaga bogo saadaasha Rio Ferdinand ee 7da kulan ee u hadhsan Arsenal, Liverpool iyo Manchester City:

Saadaasha Arsenal – 86 dhibcood

Arsenal 2-0 Aston Villa
Wolves 1-2 Arsenal
Arsenal 2-0 Chelsea
Tottenham 2-1 Arsenal
Arsenal 3-0 Bournemouth
Man Utd 3-2 Arsenal
Arsenal 1-0 Everton

Saadaasha Liverpool – 86 dhibcood

Liverpool 3-0 Crystal Palace
Fulham 1-1 Liverpool
Everton 1-1 Liverpool
West Ham 1-2 Liverpool
Liverpool 2-0 Tottenham
Aston Villa 1-1 Liverpool
Liverpool 3-0 Wolves

Saadaasha Manchester City- 89 dhibcood

Man City 4-0 Luton
Brighton 1-3 Man City
Nottingham Forest 1-2 Man City
Man City 3-1 Wolves
Fulham 1-3 Man City
Tottenham 2-2
Man City 2-0 West Ham

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*