Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Sabti Ah


Manchester City ayay u badan tahay inay ka faa’iidaysato rabitaanka Lucas Paqueta ee ah inuu ka tago West Ham xagaaga – laakiin waa haddii lagu waayo baaritaanka ku socda ee la xiriira inuu jabiyay xeerka khamaarka ee FA-ga. (Guardian)

Paqueta ayaa 85 milyan ginni lagu burburin karaa qandaraaskiisa West Ham marka la gaaro bisha Juun, Man City ayaan wax cabsi ah ka qabin inay heshiis shaqsi ah la gaarto xiddigaan. (Athletic)

City ayaa isku diyaarineysa inay 120 milyan ginni ku qarash gareyso saxiixa 21 jirka Jarmalka Jamal Musiala oo ka tirsan Bayern Munich. (TeamTalk)

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Sporting Lisbon ee Ingariiska Marcus Edwards oo 25 jir ah iyo daafaca Portugal Goncalo Inacio oo 22 jir ah (Football Insider).

Weeraryahanka Paraguay Miguel Almiron iyo weeraryahanka Ingariiska Callum Wilson ayaa ka mid ah ciyaartoyda ka tagi kara Newcastle United iyadoo kooxdu ay isku diyaarineyso dib u dhis xagaaga ah. (Telegraph)

Manchester United iyo Tottenham ayaa la xiriiray daafaca dhexe ee kooxda Fulham Tosin Adarabioyo si ay heshiis hordhac ah ula gaaraan 26 jirkaan. (TeamTalk)

Xiddiga United Aaron Wan-Bissaka  ayaa diirada u saaran kooxda Inter Milan iyadoo 26 jirkaan daafaca uga ciyaara England uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2025. (Gazetta dello Sport).

Tottenham ayaa rajeyneysa inay heshiis degdeg ah kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher, 24, marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (The Sun)

Daafaca kooxda Barcelona Pau Cubarsi ayaa doonaya in uu heshiis cusub u saxiixo Nou Camp inkasta oo ay sii kordhayaan xiisaha ay kooxaha waaweyn ee Yurub u qabaan 17 jirkan kadib qaab ciyaareedkii wacnaa ee uu ku soo bandhigay kulankii Paris St-Germain. (Mundo Deportivo)

Arsenal iyo Liverpool ayaa kula biiray Bayern Munich tartanka loogu jiro saxiixa daafaca bidix ee reer Spain Alejandro Grimaldo, oo 28 jir ah, kana tirsan Bayer Leverkusen. (Football Transfers)

Tababaraha Brentford Thomas Frank ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in weeraryahanka England Ivan Toney, oo 28 jir ah, laga yaabo inuu ku tago wax yar 30 milyan ginni xagaaga. (Evening Standard)

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Luton Town ee Ross Barkley ayaa sheegay inuusan ka fiirsan doonin mustaqbalkiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, xilli ay xiiseynayso Manchester United. (Express)

Kooxaha Premier League ayaa laga yaabaa inay ka faa’ideystaan baahida ay Nottingham Forest u qabto inay iibiso ciyaartoydeeda muhiimka ah iyagoo u dhaqaaqaya weeraryahanka New Zealand Chris Wood, oo 32 jir ah. (Insider Football).

Iyadoo xiddiga Kylian Mbappe uu ka tagayo Paris St-Germain kuna biirayo Real Madrid, kooxda reer France ayaa isha ku heysa weeraryahanka Inter Milan iyo France ee Marcus Thuram (Tuttosport).

Tababaraha  Barcelona Xavi ayaa wali lagu qancin karaa inuu sii joogo kooxda ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan – laakiin waa haddii uu helo dammaanad lagu taageerayo suuqa kala iibsiga. (Mundo Deportivo)

Milkiilaha kooxda AC Milan Gerry Cardinale ayaa go’aan ku gaaray in uu maareeyaha cusub ee kooxda u shaqaaleysiiyo agaasimihii hore ee kooxaha Liverpool iyo Tottenham Damien Comolli. (Sky Italia)

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa qirtay daafaca reer England Harry Maguire, oo 31 jir ah, inuu doonayo inuu si joogto ah u ciyaaro, isagoo xiiso ka helaya West Ham. (Metro)

Tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qarka u saaran in loo magacaabo tababaraha xiga ee Jamhuuriyadda Ireland. (Irish Times)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*