Pep Guardiola Oo U Jawaabay Rodri Oo Ka Baryay In Keyd La Geliyay Kulanka Maanta


Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu nasasiiyo Rodri ka dib markii xiddiga khadka dhexe uu sheegay inuu u baahan yahay inuu nasto.

Rodri oo 27 sanno jir ah ayaa ciyaaray 41 kulan xilli ciyaareedkan, wuxuuna sheegay ka dib kulankii ay barbaraha la galeen Real Madrid inuu u baahan yahay in la nasasiiyo.

Kooxda Pep Guardiola waxay maanta Etihad Stadium ku soo dhaweyneysaa kooxda seddexaad ee ugu hooseysa horyaalka ee Luton.

“Haddii ciyaaryahan uusan dooneynin inuu ciyaaro markaas ma ciyaari doono, waa wax sidaas u sahlan” ayuu yiri tababaraha Manchester City.

“Inu ciyaaro seddex maalin kasta, hadda waa seddex malin kasta, dabcan wuu daalan yahay, wuxuu ciyaaray daqiiqado badan.”

Kulankii Talaadada ee Real Madrid waxay aheyd 429 maalmood iyo 66 kulan tan iyo markii ugu danbeysay ee City laga badiyay ciyaar uu dheelayo Rodri.

Shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub kaliya seddex ciyaaryahan ayaa ku soo bilowday kulamo ka badan inta uu ku soo bilowday xiddiga Spain. daafaca Arsenal William Saliba oo 42 kulan ku soo bilowday iyo labo goolhaye.

Waxa uu seegay afar kulan oo maxali ah ganaax darteed iyadoo City laga badiyay dhamaan afarta kulan.

Guardiola ayaa sheegay in jadwalka ciriiriga ah ee kubada cagta inuu ciyaartoyda ka dhigayo kuwa daalan oo u nugul dhaawacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*