Muxuu Arteta Ka Yiri Rigooradii Ay Arsenal Ka Badbaaday Kulankii Bayern Markii Gabriel Uu Kubad Socota Gacanta Ku Qabsaday


Mikel ayaa aaminsan in garsooraha u adeegsaday caqligiisa markii uu diiday inuu rigoore ka dhigo Arsenal markii uu Gabriel gacanta ku qabsaday baas uu u dhigay goolhaye David Raya kulankii Champions League ee Bayern Munich.

Qeybtii labaad ee kulankii wareega 8da, David Raya ayaa kubad bilow sameeyay isagoo u baasay Gabriel laakiin daafaca reer Brazil oo moodayay inaysan ciyaarta dib u bilaabanin ayaa kubada gacanta ku qaatay isagoo kubad bilow kale sameeyay.

Garsoore Glenn Nyberg ayaa ogolaaday inay ciyaarta sii socoto taasoo ka careysiisay Bayern Munich.

Garsooraha ayaa ciyaarta ka dib u sheegay tababaraha Bayern Munich Thomas Tuchel in sababtii uu rigoorada u diiday inay aheyd in Gabriel uu ku kacay qalad caruurnimo.

Ka hor kulanka Axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Aston Villa, Arteta ayaa yiri: “Haa, waan arkay sida ay wax u dhaceen, gaar ahaan cabashadii ay muujiyeen ciyaartoyda Bayern,

“Waxaan aaminsanahay in garsooraha uu adeegsaday sharciga. Sharciga waxa uu leedahay adeegso caqligaaga, haddii xaaladaas laga faa’ideysan karo, mana aheyn xaalad laga faa’ideysan karo.”

Kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal ayaa ku hishiiyay barbaro 2-2 ah iyadoo lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League ay todobaadka soo socda ka dhici doonto garoonka Allianz Arena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*