Madaxda Manchester United Oo Lagu Soo Rogay Cuno-qabatayn Dhaqaale


Manchester United ayaa cuno-qabatayn dhaqaale kusoo rogtay madaxdeeda, waxaanay ka joojisay dhamaan kaadhadhkii ay wax ku iibsanayeen ee loo yaqaanay ‘Credit Card’, taas oo lagu sheegay in ay tahay sabab la xidhiidha inay xakameeyaan kharashka kooxda.

Red Devils ayaa la wariyey in ay kansashay dhamaan kaadhadhka ‘Credit Card’ ee masuuliyiinta sarsare ee kooxda, taas oo ah wax ka baxsan nidaamkii maamul ee kooxdan looga bartay.

Sir Jim Ratcliffe ayaa soo rogay amarkan, si uu u xaqiijiyo in kooxdu ay u hoggaansanto sharciga faa’iidada iyo sugnaanshaha maaliyadeed ee Premier League, isla markaana uga badbaadaan in lagu rido ganaax.

Telefishanka ESPN ayaa sheegay, in Sir Jim Ratcliffe oo ah maamulka ugu sarreeya kooxdan oo bishii hore uu xidhiidhka FA u ansixiyey saami dhan 27.7 boqolkiiba ah oo uu ka iibsaday, kooxda ayaa waxa uu ku hawlan yahay tallaabooyin uu ku sugayo mustaqbalka maaliyadeed ee kooxda.

Old Trafford oo ay UEFA ku xukuntay £257,000 Gini oo ganaax ah xagaagii dhowaa markii lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaalaha, ayaa mar kale lagu samayn doonaa baadhitaanno dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Kooxaha Premier League ayaa wadnaha farta ku haya markii ganaaxyo lagu riday Everton iyo Nottingham Forest, sidoo kalena uu Premier League shaaciyey in Manchester City lagu helay inay 115 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha oo go’aan laga gaadhayo, halka sidoo kalena Chelsea ay ku socdaan baadhitaanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*