QIIMAYN: 20ka Kooxood Ee Haysta Safafka Ugu Qiimaha Badan Kubadda Cagta Oo Lasoo Bandhigay


Shabakadda qiimaynta ciyaartoyda kubadda cagta ee Transfermarkt ayaa shaacisay 20ka kooxood ee haysta safafka ugu qiimaha badan kubadda cagta waqtigan, waxaana kasoo baxay natiijooyin lama filaan ah iyadoo la garbiyey kooxo hore u ahaan jiray kuwa ay ku urursan yihiin ciyaartoyda ugu qiimaha badan.

Manchester City ayaa xajisatay booskeeda koowaad ee kooxda ku hubaysan xiddigaha ugu qaalisan suuqyada iibka ciyaartoyda waqtigan, amaba qiimahooduyahay kuwa ugu sarreeya, waxaana sare usii qaaday Erling Haaland oo si xawli ah uu u kordhayey qiimihiisu tan iyo markii uu yimid Etihad Stadium.

Ka sokow Erling Haaland, waxa kale oo ay Manchester City haysataa Phil Foden oo kasoo baxay kulliyaddeeda, Josko Gvardiol, Jack Grealish, Matheus Nunes iyo xiddigo kale oo ay da’doodu yar tahay oo mustaqbalka sii ahaan doona kuwa naadiga u dagaallama, sida Julian Alvarez iyo Jeremy Doku.

20ka kooxood ee ay Transfermarkt soo bandhigtay ee ay kaalinta 1aad ku jirto Manchester City waxa tobanka sare dhamaystirtay Tottenham, halka kooxda tababare Unai Emery ee Aston Villa ay iyaduna bilow u tahay tobanka labaad.

Waxa kale oo liiska kooxahan ku jira kooxda la joojin kari la’yahay ee Bayer Leverkusen ee uu tababare Xabi Alonso ku dhisay waqtiga kooban, taas oo kusii dhowaanaysa in loo caleemo-saaro horyaalka Bundesliga ee xilli-ciyaareedkan.

Kaalinta labaad ayaa waxa soo gashay Arsenal oo markii ugu horreysay lagu arkayo in safkeedu uu noqdo midka labaad ee ugu qiimaha badan muddo ka badan 20 sannadood, waxaana saddexaad u dhacday Real Madrid oo muddo dheer haysatay booska kaalinta koowaad, halka PSG ay afraad ku jirto oo ay shanaad u dirtay Bayern Munich.

Halkan kaga bogo liiska 20ka kooxood ee haysta safafka ugu qiimaha badan:

20. Real Sociedad – £411.9 milyan oo Gini

19. Juventus – £419.6 milyan oo Gini

18. RB Leipzig – £425.5 milyan oo Gini

17. Brighton & Hove Albion – £432.4 milyan oo Gini

16. Napoli – £439.2 milyan oo Gini

15. AC Milan – £456.4 milyan oo Gini

14. Bayer Leverkusen – £509.3 milyan oo Gini

13. Inter Milan – £532.5 milyan oo Gini

12. Newcastle United – £546.2 milyan oo Gini

11. Aston Villa – £553 milyan oo Gini

10. Manchester United – £628.7 milyan oo Gini

9. Tottenham Hotspur – £665.5 milyan oo Gini

8. Barcelona – £719.4 milyan oo Gini

7. Liverpool – £788.8 milyan oo Gini

6. Chelsea – £794.8 milyan oo Gini

5. Bayern Munich – £795.6 milyan oo Gini

4. Paris Saint-Germain – £873.7 milyan oo Gini

3. Real Madrid – £890.9 milyan oo Gini

2. Arsenal – £959.3 milyan oo Gini

1. Manchester City – £1.087 bilyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*