Lacagta Ay Real Madrid U Diyaarsatay Iibka Xiddiga Chelsea Oo La Ogaaday


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aamisay qiimaha dalabka ay u dirayso Chelsea oo ay ka doonayso kabtankeeda Reece James oo tababare Carlo Ancelotti iyo Madaxweyne Florentino Perez ay doonayaan inay safkooda ku xoojiyaan, laakiin waa haddii ay waayaan difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold.

Reece James oo ay da’diisu tahay 24 jir ayay dhaawacyo daashadeen, waxaanalagu sameeyey laba qalliin xilli-ciyaareedkan isaga oo seegay 31 kulan illaa hadda fasalkan socda.

Real Madrid ayaa u aragta Reece James inuu yahay ciyaartoy aad u wanaagsan haddii uu ka badqabo dhaawacyada tirada badan, waxaana hab-difaaciisa adag u dheer inuu kubbadaha weerarka geeyo, iyaga oo waxyaabo badan iskaga mid ah Dani Carvajal.

Los Blancos oo uu kasii gaboobayo Dani Carvajal oo hadda ay da’diisu tahay 32 jir ayaa waxa ay go’aamisay in Chelsea ay u dirto dalab €40 milyan oo Euro, laakiin waxa ay u badan tahay in aanay Chelsea ogolaan doonin in ay laacibkan ku iibiyaan qiime sidaas u hooseeya.

James ayaa dhowaan saxeexay heshiis cusub oo afar sannadood ah oo muddo dheer kusii hayanaya Stamford Bridge, waxaana go’aanka mustaqbalkiisu uu gacanta ugu jiraa maamulka Chelsea.

Dhinaca kale, tababare Carlo Ancelotti ayaa doonaya in heshiis cusub uu saxeexo Ferland Mendy oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Difaacan bidix ee reer France oo 29 kulan oo dhamaan tartamada ah u safay Real Madrid xilli-ciyaareedkan ayaanay Real Madrid wali la furin wax wada-hadal ah, waxaana la sheegayaa in ay iska fasixi doonaan haddii ay helaan difaaca Bayern Munich ee Alphonso Davies.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*