“Mbappe-oow, Anigu Waan Iska Diiday Real Madrid Markii …” – Robert Pires Oo Kula Taliyey Mbappe Inuu U Leexdo Koox Lama Filaan Ah Oo Premier League


Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa loogu baaqay in uu iska diido inuu tago Real Madrid, isla markaana uu doorto koox lama filaan ah oo horyaalka Premier League ah mar haddii aanu kusii negaanaynin kooxdiisa Paris Saint-Germain.

Kylian Mbappe ayaa la sheegay in uu aflagaaddeeyey tababare Luis Enrique toddobaadkan oo uu ku yidhi kalmad ahayd ‘Ina dh***lo’, kaddib markii la beddelay daqiiqaddii 64aad kulankii Marseille, waxaana arrintan ay salka ku haysaa go’aanka uu laacibkani ku gaadhay inuu ka tago kooxdiisa oo uu u wareego Real Madrid.

Inkasta oo aan la shaacinin heshiiska, haddana warbaahinta Faransiiska iyo Spain ayaa isku raacsan in waqti hore ay Mbappe iyo Real Madrid dhamaystireen heshiiskooda oo kaliya ay shaacintu hadhsan tahay.

Halyeygii Arsenal ee Robert Pires oo ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka France u qaaday Koobkii Adduunka 1998kii, ayaa farriin u diray Mbappe waxaana uu sheegay inuu beddelo go’aankiisa oo uu iska diido inuu tago Real Madrid, sidii uu isaguba sameeyey 27 sannadood ka hor.

Robert Pires oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Waan ka xumahay Kylian, laakiin laakiin ma tihid ciyaartoygii ugu horreeyey ee iska diida Real Madrid. Anigu ma garanayo waxa uu yahay g;’aanka uuq aatay iyo halka uu tegayo, laakiin aniguba waan iska diiday Real Madrid sababtoo ah waxa aan haystay laba dookh oo kale.

“Waxa aan hubaa, in haddii aanan heli lahayn fursaddii aan ku tegay Arsenal ama Juventus, in aan tegi lahaa Real Madrid. Waa hubaal taasi.”

Mar la weydiiyey kooxda uu doonayo in Mbappe uu tago, Robert Pires ayaa waxa uu garab mariyey kooxdiisii hore ee Arsenal waxaanu yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in aan arko isaga oo u ciyaaraya Liverpool. Waa koox qoys wanaagsan ah, waxa ka jira nidaam maamul oo wanaagsan, ma jiro wax cadaadis ah, taageereyaashuna waa kuwa ugu fiican. Waxay ila tahay in haddii uu tago Liverpool in Mohamed Salah ay noqon doonaan mataano aan la joojin.

“Waxay ila tahay in uu leeyahay awood uu ku diidi karayo Real Madrid.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*