Iska Illow Bruno, Martinez, Hojlund, Garnacho, Antony Iyo Xataa Dalot & Rashford: Jamie Carragher Oo Magacaabay Xiddiga Manchester United Ee Uu Jeclaan Lahaa Inuu U Wareego Liverpool


Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa magacaabay hal ciyaartoy oo ka tirsan Manchester United oo uu ku tilmaamay ‘mid heersare ah’ oo uu jeclaan lahaa in uu u dheelo kooxdiisii hore ee Liverpool, halka uu hadda uga ciyaarayo Manchester United.

Ciyaartoyga soo jiitay Jamie Carragher ee uu la jeclaaday kooxdiisa Liverpool ma aha xiddigaha maskaxdaada kusoo dhacaya sida Bruno Fernandes, Marcus Rashford, McTominay, Casemiro, Rasmus Hojlund iyo Alejandro Garnacho.

Sidoo kale, ma aha difaaca xamaasadda badan ee Lisandro Martinez iyo Dalot-ka boosaska badan ka ciyaara, halka aanu sidoo kale xusin difaaca adag ee aan dhayalka lagu dhaafin ee Aaron Wan-Bissaka iyo xataa Maguire-ka ku dhibaatoonaya Old Trafford.

Jamie Carragher oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in ay cawo iyo ayaan u ahaan lahayd kooxdiisii hore ee Liverpool haddii ay hesho dheemanka Manchester United usoo baxay ee Kobbie Mainoo oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League tan iyo markii uu kooxda koowaad usoo dallacay bishii November, waxaana uu illaa xilligaas helay boos joogto ah oo aan lagu gorgortamin.

Carragher oo la weydiiyey haddii uu jiro xiddiga Manchester United ah oo haddii loo ogolaado uu geyn lahaa Liverpool, ayaa ku jawaabay: “Waxa uu noqon lahaa wiilka yar ee Mainoo. Da’diisa ayaa sababta koowaad ah, waxa ay ila tahay inuu u ciyaarayo sidii ciyaartoy weyn oo heersare ah, waxaana uu noqon karayaa xiddig cajiib ah.”

Jamie Carragher ayaa sidoo kale waxa uu ka dooday haddii Marcus Rashford uu ka fiicnaan lahaa garabka weerarka Liverpool ee Luis Diaz ka hor intii aanu dookhiisa koowaad ka dhiganin Mainoo, waxaanu yidhi: “Waxa aan ka fikirayaa ciyaartoyga kale ee United ee ku fiicnaan lahaa inuu u ciyaaro Liverpool.

“Waxa laga yaabaa inuu yahay Rashford, sababtoo ah Liverpool xagaagan waxa la wareegi doona tababare cusub, waxaana booska garabka bidix ay tahay inuu ka fikiro. Luis Diaz aad buu u fiican yahay, laakiin ma gaadhsiisna heerkii la doonayey. Markaa waa halkaa meesha kale ee Rashford aan geyn lahaa, balse Mainoo isagu waa khadka dhexe.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*