Qiimaha Lagu Xaraashayo Sariirtii Uu Cristiano Ronaldo Ku Seexday Toddobaadkii Hore Oo Kaa Yaabinaya


Hotel ku yaalla waddanka Slovenia ayaa go’aansaday inuu iibiyo sariirtii uu ku seexday xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo toddobaadkii hore booqday magaalada Ljubljana.

Ronaldo ayaa u safray caasimadda waddanka Slovenia oo uu xulka qarankiisa Portugal lasoo dheelayay ciyaar saaxiibtinimo 26kii March, taas oo ay iskugu diyaarinayeen ciyaaraha tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee xagaaga.

39 jirkan ayaa seexday hotelka Grand Plaza Hotel oo ay sidoo kale deggenaayeen ciyaartoyda xulka qarankiisa, waxaana hadda saxaafadda la hadlay afhayeen u hadlay hotelkaas oo shaaciyey in ay xaraashayaan sariirtii uu ku seexday Ronaldo, isla markaana lacagta ay ka helaan ay tabaruc ku bixin doonaan.

Afhayeenka ayaa yidhi: “Ma aannaan garanayn waqtiga aanu helayno fursad aanu ku martigelino Ronaldo oo jooga Slovenia. Waxay ahayd waqti cajiib ah, waxa aanu go’aansanay in aanu si fiican ugu diyaar-garowno maadaama ay dhamaan taageereyaashuna imanayeen hotelka.

“Hadda waxa aanu samaynaynaa xaraash khasaas ah, waxa aanu iibinaynaa sariirtii uu ku seexday xiddiga Cristiano Ronaldo intii uu qasrigayaga joogay. Qof walba waxa aanu u rajaynaynaa nasiib wanaagsan iyo inuu kasoo qayb-galo xafladda xaraashka.”

Warbaahinta waddanka Slovenia ayaa sheegtay in qiimaha naadada iibku ay ka bilaabmayso €5,000 Euro, waxaase suurtogal ah in la isku eryo qiimaha oo uu intaa ka badnaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*