Waa Maxay Sababta Man United Loogu Diiday Inay Xidhato Garamada Akhtarka Ah Inta Ka Hadhay Xilli-ciyaareedka?


Kooxda kubadda cagta Manchester United ma xidhan doonto garamada midabkoodu akhtarka yahay inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan, waxaana sababaysa hal arrin oo fudud.

Sabtidii ayey Manchester United xidhatay dharka midabkooda akhtarka yahay markii 14aad xilli-ciyaareedkan, balse waxa ay lumiyeen laba dhibcood iyagoo barbarro 1-1 ah la galay Brenford oo ay marti u ahaayeen, waxaana ay xajisan waayeen gool uu daqiiqaddii 90+6 u dhaliyey Mason Mount, waxaana goolka barbarraha ka dhaliyey Kristoffer Ajer daqiiqaddii 90+9.

Garamada ka kooban liidadka dhaadheer ee akhtarka iyo caddaanka ah ayaa taageereyaashu ay dareenno isku badhxan kaga falceliyeen, waxaana in badan ay ku doodeen in kooxdooda ay ka dhigeen naadi aan la garanayn oo ay lumiyeen sirtii ku qarsoonayd garamada asalka ah ee kooxuhu ay kasii baqan jireen.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Manchester United mar dambe ma xidhan doonto midabkan oo ahaa dharka ay ku dheeli jireen kulamada ay martida yihiin xilli-ciyaareedkan, waxaana kulamada Chelsea iyo Brighton ee Premier League ee ay martida yihiin iyo ciyaarta Coventry City ee semi-finalka FA Cup ay xidhan doonaan midabka casaanka ah ee ay caanka ku tahay Manchester United.

Labada kulan ee safarrrada ay ugu tegayaan Bournemouth iyo Crystal Palace, waxa ay Manchester United xidhan doontaa dhar caddaan ah, sababta oo ah waxa aan loo ogolayn midabka akhtarka ah oo aad ugu dhow dharka labadan kooxood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*