Arsenal oo War Heshay Kimmich, Barca, Liverpool & Bayern Oo Isku Dhegan & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga


Barcelona ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro tababaraha Sporting Lisbon Ruben Amorim kaasoo lala xiriirinayo Liverpool iyo Bayern Munich ka dib markii Xabi Alonso uu go’aansaday inuu sii joogay Bayer Leverkusen. (Independent)

Si kastaba, maamulka Barcelona ayaa doonaya inay bedelaan maanka tababare Xavi ee ku aadan inuu baxo, waxaana ay ku boorinayaan inuu sii joogo Nou Camp. (The Athletic)

Arsenal ayaa la xiriirtay kooxda Bayern Munich si ay u la soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Joshua Kimmich, laakiin waxaa loo sheegay in mustaqbalka 29 jirkaan in laga hadli doono kaliya xagaaga. (Football Transfers)

Arsenal ayaa sidoo kale u muuqata mid ugu cad cad saxiixa 25 jirka khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Martin Zubimendi kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxda Bayern Munich. (Caught Offside)

Manchester City iyo Liverpool ayaa caqabad kala kulmaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayer Leverkusen iyo xulka qaranka Germany ee Florian Wirtz, oo 20 jir ah ka dib markii Xabi Alonso uu go’aansaday inuu sii joogo kooxda taasoo bedeshay go’aankii ciyaaryahanka. (HITC)

Manchester United ayaa liiskooda daafacyada ay doonayaan xagaagan ku darsaday 21 jirka Everton Jarrad Branthwaite, 18 jirka Boca Juniors Aaron Anselmino iyo 19 jirka Barcelona iyo Senegal Mikayl Faye. (Daily Mail)

Jadon Sancho, oo haatan amaah ugu maqan Borussia Dortmund, ayaa laga yaabaa inuu fursad kale ka helo Manchester United, haddii ay kooxdu u magacawdo agaasimaha kubadda cagta Southampton Jason Wilcox. Wilcox ayaa kula soo shaqeeyay 24 jirka weerarka ka ciyaara akadeemiga Manchester City. (Manchester Evening News)

Manchester United ayaa xiiso weyn u qabta inay u magacawdo tababaraha Ipswich Kieran McKenna inuu noqdo macalinkooda cusub. Nin reer Northern Ireland, oo 37 jir ah, waxa uu ka mid ahaan jiray shaqaalaha tababarka ee Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer. (Insider Football)

Real Madrid ayaa jeclaan lahayd inay lasoo saxiixato 18 sanno jirka daafaca dhexe uga ciyaara Lille Leny Yoro – kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo Manchester United, Liverpool iyo Chelsea xagaagan ka dib markii uu xiddiga reer France u sheegay kooxdiisa inuu doonayo tartan cusub. (The Athletic)

Tottenham ayaa laga yaabaa inay ku qasbanaato inay iska iibiso daafaca Brazil Emerson Royal oo 25 sanno jir ah si ay u helaan lacag ay ku galaan suuqa kala iibsiga (Insider Football)

Xiddiga 21 jirka khadka dhexe ee Leeds United  iyo daafaca midig Archie Gray oo 18 sanno jir ah ayaa waxaa daawanaya Real Madrid iyo Bayern Munich oo ay weheliyaan kooxo badan oo Premier League ah. (HITC)

Daafaca bidix ee Barcelona iyo Spain Marcos Alonso, oo 33 jir ah, ayaa wadahadalo horumar leh kula jira Atletico Madrid si uu beeca xorta ah ugu biiro xagaagan. (Cadena Ser)

Barcelona ayaa  dooneysa 19 jirka daafaca uga ciyaara Fiorentina iyo xulka Italy Michael Kayode kaas oo sidoo ay xiiseyneyso Arsenal, waxayna doonayaan inuu bedel u noqdo daafaca amaahda uga soo maqan Man City ee Joao Cancelo. (Football Transfers)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*