DEG-DEG: Tababarihii Hore Ee Manchester United Oo Loo Magacaabayo Liverpool


Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay in uu noqon doono macallinka cusub ee Liverpool loo magacaabi doono isla markaana beddelaya Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegaya Anfield oo uu muddo sagaal sannadood ah laylinayey.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Peterborough, Mr Darragh MacAnthony, Liverpool ayaa waxa suurtogal ah in ay tababaraheeda cusub u magacowdo McKenna oo hadda ah tababaraha kooxda Ipswich ee hoggaaminaysa horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship.

McKenna ayaa muddo saddex sannadood ah joogay Manchester United oo uu ka mid ahaa shaqaalaha tababarka kooxda koowaad, balse waxa uu iskaga tegay December 2021 oo uu ku biiray Tractor Boys.

Ipsich ayuu kasoo dallacsiiyey heerka saddexaad xilli-ciyaareedkii hore, waxaana uu keenay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship oo ay hoggaanka u hayaan, iyagoo 40 kulan oo ay dheeleen kaliya laga badiyey shan jeer.

Horyaalka Premier League oo ay ka maqnayd muddo 22 sannadood ah ayay hadda Ipswich ku riyoonaysaa inay dib ugu soo laabato, waxaana sirta guushooda lagu sheegay McKenna oo 125 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu maamulay ku hoggaamiyey 73 guulood.

MacAntho y oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay, in McKenna uu taageere weyn u yahay Liverpool, haddana uu helay khibraddii uu ku beddeli lahaa Jurgen Klopp, sidaas daraadeedna ay suurtogal tahay in uu noqdo tababaraha cusub ee ay kooxdaasi magacaabayso dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool oo hore u doonaysay Xabi Alonso ayaa quusatay markii uu warbaahinta u sheegay inuu sii joogayo Bayer Leverkusen, laakiin waxa lala xidhiidhinayaa Roberto De Zerbi oo ay ku haysato Bayern Munich, Ruben Amorim iyo Julian Nagelsmann.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*